Ukraine Ayaa Beenisay in ay Drones Siisay Falaagada Mali

0
29

Ukraine ayaa beenisay eedaha la xidhiidha in ay Drones siisay falaagada dagaalka kula jirto ciidamada Mali iyo calooshood u shaqeystayaasha Ruushka. Arintan ayaa soo baxday kaddib markii wargeyska ka soo baxa Paris ee Le Monde uu qoray in Drones-ka Ukraine ay caawinayaan falaagada Tuareg.

Dowladda militeriga Mali ayaa 2022-kii xiriirka u jartay Faransiiska iyagoo u wareegay Ruushka si ay wax uga qabtaan kacdoonka sanadaha ka socday waqooyiga. Mali, Niger iyo Burkina Faso oo ah dalal militerigu uu xukumo ayaa muddo ku eedeynayay Kyiv in ay taageereyso argagixisada ka jirta gobolka Sahel kaddib markii saraakiil Ukraine u dhashay ay sheegeen sanadkan in ay taagero siiyeen falaagada

Shalay ayey wasaaradda arrimaha dibadda Ukraine si adag u diiday eedahahaas dhawaan ay qoreen waraahinta. Sidoo kale Ukraine waxay beenisay eedo ay madaxda Mali iyo Niger u jeediyeen oo ah in ay hubeynayaan xogna siinayaan isbahaysiga argagixisada.

Ukraine waxay ku baaqday in la joojiyo faafinta wararka beenta oo ah dayaacadda Ruushka. Wargeyska Le Monde waxa uu sheegay in falaagada ay qirteen in xiriir ay la leeyihiin Kyiv.