Wasaarada Beeraha oo Magaalada Hargeysa ku Qabatay Xuska Maalinta Cuntada Aduunka

0
33

Qore:Cabdiwahaab Daahir

Hargaysa, (Dawan) Wasaarada horumarinta Beeraha Somaliland ayaa xuska maalinta cuntada aduunka ku qabatay magalada Hargaysa, 16 ka Bishan October ayaa ah maalin dunada oo dhan laga xuso maalinta cuntada aduunka.

Xuskan maalinta cuntada aduunka ee ay wasaarada Horumarinta beeruhu soo qaban qaabisay ayaa waxa ka soo qayb galay badiba iskaashatooyinka wax soo saarka beeralayda ee gobolada iyo dagmooyinka jamhuuriyada Somaliland, iyagoo soo bandhigay dalagyadii kala duwanaa ee sanadka qoteen.

Geesta kale, qaarka mid ah iskaashatooyinkii ka soo qaybgalay xuska maalinta aduunka ee ka kala socday gobollada iyo degmooyinka Somaliland, ayaa ka waramay dareenkooda iyo wax soo saarka ay kaga qayb qaadanayeen, waxaaney ka warbixiyeen caqabadaha iyo fursadaha dhinaca wax soo saarka ee beeralayda kala duwan ee reer Somaliland.

Geesta kale qaarka mid ah iskaashato beeralaydu ay sheegeen in aan deegaanadoodu aanay lahay ceelal biyood ay beeraha ku waraabsadaan taas badalkeedana ay xili-roobaadka ay ka faa’iidaystaan iyagoo qota dhaamam biyaha roobka ay ku kaydsadaan, halka qaar kalena ay sheegeen in iyagu deegqankoodu uu leeyahay ceelal ay beeraha ka waraabsadaan.

Gaba-gabadii waxa iyaguna halkaasi hadalo dhiiri galinka ah ka jeediyey masuuliyiinka ka socday wasaarada Horumarinta beeraha Somaliland, isla markaana dhiiri galayey wax soo saarka, sidoo kalena lala dagaalamo nabaad guurka waxa ay sidoo kale sheegeen in deegaanada Somaliland ay u badan yihiin dhul wax soosaarka beeraha ku fiican, ka wasaarad ahaana ay ka go,an tahay sidii ay beeralayda reer Somaliland u garab istaagilahaayeen, sidii ay uga caawin lahaayeen, dhinacyada siidhka iyo tobobarada.