Wasaaradda Caafimaadka oo Soo Xidhay Tababarka Adeegyadda Tallaalka

0
27

Xubinta koowaad ee barnaamijka caafimaadka Wargeyska Dawan todobaadkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland oo soo Gebo’gabaysa tababar ay u qabteen saraakiisha caafimaadka degmooyinka Boorama, Burco iyo Hargaysa, kaasi oo la barayay sidii loo qorshayn lahaa adeegyada Talaalka degmooyinka.

Haddaba Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan qaybta talaalka, ayaa maanta soo gabo’gabaysay tababar socdey muddo afar maalmood ah kaasi oo ay qaadanayeen, saraakiisha caafimaadka ee degmooyinka Borama , Burco iyo Hargaysa.

Tababarkan ayaa intii uu socday waxaa ka faa,idaystay masuuliyiin ka koobnaa 20 sarkaal oo ka kala yimid sadexdaas degmo iyo qaybta talaalka ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, saraakiishan ayaa la barayey sidii ay u qorsheyn lahaayeen Adeegyada Talaalada Degmooyinkooda ,una faaqidi lahaayeen xogaha Talaalka , go’aana ugu qaadan lahaayeen si kor loogu qaado adeegan , waxaa sidoo kale masuuliyiintan la barayay, sidii ay kormeer hufan oo taageeraya talaalayaasha ay u samayn lahaayeen.

Gabogabadii tababarkan, ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiintii bixinayay tababarka iyo xubo ka socday Hay’ada Save the children oo Wasaaradda ka taageeraysay hirgellinta tababarkan, iyagoo xusay in mudadii uu tababarkani socday lagu bartay waxyaabo badan oo faa,ido u leh, masuuliyiinta Talaalka, waxaana si rasmi ah soo xidhey tababarkan, maareeyaha qaybta talaalka ee Heer Qaran Axmed Cabdi Jaamac, isaga oo kula dardaarmay masuuliyiintii tababarkan qaadatay in ay ku dabaqaan aqoontii ay barteen shaqooyinkooda iyo xarumihii ay ka kala imaadeen.