“Dadkii Jarjaray Boodhka Waddani waxa lagu Xukumay sannad iyo Badh kuwa Imikana waxaan Amrayaa in la soo Qabto

0
29

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay Xuska sannadguurada 31-aad ee Aasaaska ciidanka Booliska Mashaariic cusubna xadhigga ka jaray.

Qore: Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad lagu xusayo sannad-guuradii 21-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaskii ciidanka Booliska Somaliland, isaga oo sidoo kale xadhigga ka jaray dhismeyaal isugu jira cisbitaallo, Hool weyn oo munaasibadaha loogu talo galay, xafiisyo iyo kaalin shidaal oo ay ciidanka Boolisku leeyihiin.

Munaasibaddan waxa madaxweynaha kala qaybgalay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan,, madaxweyne-ku-xigeenkii labaad ee Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada, xildhibaanno,wasiirro, madax ka socotay axsaabta qaranka, siyaasiyiin, haldoor iyo martisharaf kale, waxana ugu horrayn goobta lagu soo bandhigay masraxiyad xiiso badan oo bayaaminaysa kaalinta ay ciidanka Boolisku bulshada ugu jiraan iyo sida ay nolosha dadka iyo wada-jirkaba muhiimka ugu yihiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka hadlayay kaalinta ay boolisku bulshada ugu jiraan iyo sida ay u yihiin naf hureyaal waxaa uu yidhi.“shaqada baaxada leh ee ay ciidanka boolisku hayaan waa laga hadlay iyo siday nabad gelyada heeganka ugu yihiin ee ay usoo jeedaan ee aynu ugu seexano laakiin waxaan laga hadal oo ay boolisku qabtaan mid kale oo intaaba ka duwan oo ah,boolisku waxay illaaliyaan xuquuqdeena oo aanay cidina sheegin dadkuna waxa ay degaan marka ay xuquuqdooda helaan shantan sano ee dambena booliska waxaa kor usii qaaday aqoontooda oo waxwayn ku soo kordhiyay dhallinyaradii shaqo qarab ka soo baxday.”

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayay dhibta ay leedahay in asxaabta qaranka iyo urirada siyaasadda astaamahooda iyo boodhadhkooda la jarjaro ama waxyeelo loo geysto ayaa sheegay in dad hore u googooyay boodhadh xisbiga waddani uu leeyahay in lasoo qabtay isla markaana xukun ku dhcay oo sharciga la hor keenay,waxaanu sidoo kale booliska usoo jeediyay in la soo qabto dad kale oo boodhadh ay leeyihiin xisbiga waddani iyo ururka kaah habeen hore jarjaray isla markaana sharciga la mariyo. Waxaa kale oo Madaxweynaha Somaliland uu ka hadlay doorashada iyo sida ay nabad gelyadu u tahay waajib qof kasta saaran.“arrimaha doorashada qof kasta dhankiisa ayay ka saaran tahay in uu iilaaliyo nabad gelyda doorashada,maalin dhawayd waxaa ka dhacday xaafada Masalaha Hargeysa in boodh uu leeyahay xisbiga waddani in la goo gooyay booliskuna way soo qabteen oo laba nin ayay ahaayeen min sannad iyo badh ayaa lagu xukumay.xalay(Habeeb hore) waxaa dhacday in la jar jaray boodhadh ay leeyihin xiibga waddani iyo Ururka Kaah,ciidabka booliska waxaan ka codcanayaa qofka waxaa ku kaca ama astaan xisbi ama urur googooya ama nabad gelyo darro ku kca in la soo qabto oo sharcigii kuwaa hore la mariyay la mariyo.”

Geesta kale Hoggaanka hawlaha ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye guuto Ibraahim Cabdi xaaji Maxamuud, ayaa si faahfaahsan u sharraxay dembiyadii dhacay sanadkii u dambeeyey iyo sida ay boolis ahaan u maareeyeen, waxana uu muujiyey sida tudhaalaha leh ee ay ciidanku ula soo dabbaasheen hawlgalladii amniga lagu xasilinayey ee ay wajaheen.

Taliyaha ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, sarreeye gaas Maxamed Aadan Saqadhi, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciidanka Booliska, waxana uu sheegay inay ka hoggaan ahaan si weyn u dhiseen ciidanka Booliska, aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba, una dhammaystireen wax kasta oo muhiim u ah shaqada culus ee ay qaranka u hayaan.