Denmark iyo JSL oo ka Wada-hadlay Xoojinta Xidhiidhka Labada Dal

0
25

Hargeysa (Dawan) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay xarunta qasriga Madaxtooyada Somaliland ku qaabiley Safiirka Dalka Denmark Ambassador Steen Sonne Andersen. Kulankaasi oo labada dhinac ay kaga wada-hadleen arrimo door ah oo la xidhiidha iskaashiga iyo cilaaqaadka labada dal.

Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Safiirka Dalka Denmark Ambassador Steen Sonne Andersen, waxa kale oo lagu lafo-guray xoojinta xidhiidhka dawladdaha Denmark iyo Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale waxa lagaga wada-hadlay mashaariicda horumarinta bulshada ee ay iska kaashadaan labada dhinac iyo arrimaha doorashooyinka Somaliland ee kaabiga saaran, nabadgelyada iyo amniga mandaqadda Geeska Afrika.

Waxaana Madaxweynaha Qaranka Somaliland kulanka ku wehelinayey Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Ciise Keyd Maxamuud iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland

Dhinaca Weftiga dawladda Denmark waxa safiirka ku wehelinaayey Madaxa xafiiska Denmark ee Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Mathias Kjaer.