Guddida Doorashooyinka Qaranka oo la Kulmay Safiirka Midowga Yurub Amb. Karin Johansson

0
24

Hargeysa (Dawan) Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay xafiiskooda ku qaabilay wefti ballaadhan oo uu hogaaminayay Safiirka Midowga Yurub Amb. Karin Johansson. Waxaanay Labada dhinaca ay ka wada hadleen arrimaha u diyaar-garowga doorashooyinka Madaxtooyada iyo ururada Siyaasadda Somaliland ee mudaysan 13-a November 2024.

Komishanka Doorashooyinka iyo Safiirka Midowga Yurub Amb Karin Johansson, ayaa ka wadda hadlay arrimaha doorashooyinka JSL, waxaana lagu yidhi qoraal kooban oo ay ku baahiyeen bartooda gaarka ah ee ay ku leeyihiin mareegta xidhiidhka dadweynaha ee Facebook-ga “Komishaka Doorashooyinka Qaranka, ayaa maanta (Shalay) xafiiskiisa kula kulmay safiirka Midowga Yurub Amb. Karin Johansson iyo wafti ay hogaaminaysay, labada dhinaca ayaa ka wada hadalay arrimaha u diyaar-garowga doorashadda muddaysan 13-ka November 2024”.