Islaamka Akhlaaqda Iyo Dhaqanka Wanaagsan!

0
16

Rasuulka Allah (scw) ayaa la weydiiyey arrinka ugu badan ee dadku jannada ku gelayaan, markaas ayuu Rasuulka Allah (scw) ku jawaabay: ” Akhlaaq wanaaga iyo Allah ka cabsiga”.

Mar kale Nebigu (scw) waxa uu inoo tilmaamay in adoomaha uu Allah ugu jecelyahay ay yihiin kuwa dhaqanka wanaagsan”.

 

Rasuulka Allah (scw) waxa uu inoo sheegay in maalinta Qiyaame ay akhlaaqda wanaagsani tahay ta ugu miisaanka culus acmaasha la miisaamaayo. (Waxa weriyay Ibnu xaban).

Dhammaan xadiisyadaaasi waxa ay ina tusayaan sida Islaamku inoogu dhiiri geliyay akhlaaqda iyo dhaqanka wanaagsan. Umaduhuna waxa ay ku dhisan yihiin akhlaaq wanaag, haddii la waayona iyaguna way baabโ€™aan.)