Komiishanka Doorashada oo Dalka Keenay Agabkii ugu Dambeeyey ee Doorashooyinka

0
20

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa shalay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ka soo-dejiyey agabkii ugu danbeeyey ee doorashada Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka JSL oo ka kooban Sanaaduuqdii, Ilo-xidhkii, Khadkii iyo Shaabadihii Codbixinta.

Munaasibada kooban oo lagu qabtay Madaarka Hargaysa ayaa waxa ka soo qayb galay daneeyayaasha Doorashada ee Xisbiyada iyo ururad siyaasadda, waxaanay soo dhaweeyeen shaqada adage e uu ku hawlan yahay Komishanka Doorashooyinku.

Dhinaca kale waxa ay bulshada la wadaageen in qalabkii Doorashada ee dibeda ka imanayay ay boqolkiiba sagaashan dalka yimaadeen waxa hadhayna ay yihiin wax yar, waxaanay taageerayaasha ugu baaqeen inay nabada ilaaliyaan, doorashada ku galaan si nabad ah.

Komishaneer Axmed Xasan oo ka mid ah guddida Doorashooyinka dalka ayaa sheegay inay soo Madaarka ka soo dejiyeen qalabkii u danbeeyay ee doorashada isla markaasina loo dhaqaaqay qabsoomida doorashooyinka isku sidkan ee Madaxtooyadda iyo ururada Siyaasadda waxaanu yidhi

“Saaka oo ay bishu tahay 22 waxan madaarka cigaal ee Hargaysa ku soo dhawaynaynaa qalabkii ugu dambeeyey doorashooyinka lagu galaayey, anagoo komishankii iyo xubnihi ka socday rururada iyo axsaabta qaranka ka kooban, runtii qalabkani waa qalabkii ugu dabeeyey, wax kale oo noo hadhay oo muhiim ah majiraan, arintaasina waxay ka turjumaysaa in dhamaanba agabkii noo dhamaystirmay loo dhaqaaqay xiligii doorashada la galayey”.

Sidoo kale waxa uu digniin u diray dhamaan Axsaabta Qaranka iyo Ururada Siyaasada inay iska ilaalinyaan waxyaabaha cunfiga iyo kala fogaanta keenayay, waxaanu u soo jeediyay inay si nadiif ah oo bilaa turxaan ah u qabsadaan ololahooda, ilaaliyaan xeerarka iyo nidaanka ololaha.