Nima Sherpas oo 14 Jeer Fuulay buurta adduunka ugu dheer ayaa haatan tababaraya da’ yarta

0
23

 

Nin Dhalinyaro u dhashay dalka Nepal, ahna qofkii ugu da’da yaraa ee abid gaadha halka ugu saraysa buurta adduunka ugu dheer ayaa sheegay inuu xirfadiisa uga faa’iideeyo dhalinyarada reer miyiga ah ee waddankiisa, si uu u soo saaro ciyaartoy caalami ah. Ninkan dhallinyarada ah oo lagu magacaabo Nima Rinji Sherpa, ayaa ka soo jeeda qowmiyad reer miyi ah oo ku nool agagaarka Mount Everest, oo ah buurta adduunka ugu dheer adduunka, kooxdan oo lagu magacaabo Sherpas, ayaa caan ku ah xirfadaha fuulista kuwaas oo ah laf-dhabarta safarrada buuraha.

Waxay hagaajiyaan xadhkaha, jaranjarooyinka, rarka ayay qaadaan, kariyaan oo hagaan kuwa fuulaya buurta ee ajaanibka ah, iyaga oo ka helaya hal safar oo lacag ah oo u dhexeeya $2,500 ilaa $16,500 ama ka badan, iyada oo la eegayo khibradda qofka.

“Waxaan rabaa inaan Sherpas u arko ciyaartoy caalami ah, ma aha in ay noqdaan hagayaal keliya,” ayuu yidhi Nima Rinji Sherpa oo18 jir ah, todobaadkii la soo dhaafayna wuxuu fuulay figta buurta ugu saraysa markii 14-aad taas oo dhererkeedu yahay 8,027 mitir, Tibet.

“Waxaan u qalmaa mudnaan la mid ah kuwa reer galbeedka ah,” ayuu ku daray Nima Rinji Sherpa oo ah arday maraya fasalka 12aad, wuxuu bilaabay inuu fuulo isaga oo da’diisu tahay 16, dhammaan 14-ka jeer ee uu koray way kala duwanaayeen waxa ugu sarreeyay labadii sano ee ugu danbeeyey oo ahaa 2,438 mitir.

Waxa uu sheegay in uu qorshaynayo in uu ka faa’iidaysto xirfadiisa fuulitaanka si uu xidhiidh ula sameeyo hay’adaha deeqaha bixiya, una abaabulo dhaqaale iyo taakulaynta dugsiyada, cisbitaalada iyo hawlaha uu uga faa’iidaysanayo bulshada buuralayda ah.

“Waxaan rabaa in aan noqdo dhexdhexaad ka dhexeeya bulshada iyo hay’adaha deeqaha bixiya,” Nima ayaa yidhi Arbacadii.

Nima Rinji Sherpa, waxa uu ku guulaystay rikoodhkii Mingma Gyalu Sherpa oo isna reer Nepal ahaa, kaas oo ahaa 30 jir markii uu ku guulaystay 2019-kii.

Shirkad qaban qaabisa socdaallada maamula xubno ay dhaleen raggii ugu horeeyey ee sameeyey fuulintii ugu horeeyey waxaanay ka socdaan dadka deegaanka.