Nuqulka Naadirka ah oo Dastuurka Maraykanka ah ayaa lagu iibiyaa $9M

0
22

Nuqul naadir ah oo ka mid ah dastuurka Maraykanka oo la daabacay 237 sano ka hor oo loo diray gobollada si loo ansixiyo ayaa lagu iibiyay $9 milyan oo doolar ka dib markii lagu xaraashay xarunta xaraashka Brunk ee gobolka North Carolina khamiistii. Nuqulkan ay Brunk xaraashtay ayaa loo malaynayaa inuu yahay nuqulka kaliya ee noociisa ah ee si gaar ah loo leeyahay, lama shaacin magaca iibsadaha.

Qandaraasku waxa uu qaatay wax ka badan toddobo daqiiqo, iyada oo halkii marba lagu darayey $500,000 badiyaana dalabku wuxuu ku imanayey telefoon. Waxaa hakad ku yimid markii qiimuhu marayey $8.5 milyan, balse wax yar ka dib qof kale qof ayaa taleefoon ka soo jawaabay oo ka dhigay $9 milyan.

Ugu danbayntii waxa lagu iibiyey $9 milyan sida uu sheegay mulkiilaha xaraashka Andrew Brunk.

Xaraashka ayaa markii hore loo qorsheeyay Sebtembar 28, laakiin dib ayaa loo dhigay ka dib markii duufaanta Helene ay sababtay waxyeello masiibo ah oo dhan Asheville iyo galbeedka North Carolina.

“Waxay ahayd sharaf in aan halkan lagu hayo,” Brunk ayaa yidhi.

Nuqulka ayaa la daabacay ka dib markii uu dhammaaday shir weynihii Axdiga Dastuuriga lana dhammeeyey qoristii iyo qaab-dhismeedkii la soo jeediyay dawladda qaranka 1787 dawladdii ugu horreysay ee Maraykanka ee aan waxtarka lahayn ee hoos timaada Qodobbada Confederation, ayaa u dirtay gonollada iyada oo la doonayo si ay u ansixiyaan dadku .

Waa mid ka mid ah ilaa 100 nuqul oo uu daabacay xoghayaha Congress-ka Charles Thomson. Siddeed keliya ayaa la og yahay inay weli jiraan toddobada kalena si guud ayaa loo leeyahay.

Thomson waxay u badan tahay inuu u saxeexay 13-kii gobol ee asalka ah ee xilligaa jiray laba nuqul mid kasta oo ka mid ah.

Laba sano ka hor, waxa la sifaynayay guriga Edenton ee bariga North Carolina oo uu mar lahaan jiray Samuel Johnston. Wuxuu ahaa gudoomiyaha North Carolina 1787 ilaa 1789 wuxuuna goob jooge ka ahaa shirkii axdiga distuurka sidoo kale wuxuu xafiiska gobolka joogay intii lagu jiray sanadkii ugu dambeeyay ee ansixiyay Dastuurka.

Nuqulka waxa laga dhex helay gurigaa gaar ahaan qol jiif ah, qol muddo dheer la dayacay oo ay ka buuxaan kuraas duug ah iyo buugaag boodh leh.

Waxaa weheliya dastuurka xaashida ballaadhan, hore iyo gadaalba ku daabacan tahay, waa warqad ka timid George Washington oo codsanaysa ansixinta. Waxa uu qiray inay jiri doonto tanaasul iyo in xuquuqaha qaar ee ay dawladuhu helaan ay tahay in loo tanaasulo caafimaadka mustaqbalka fog ee qaranka.

Nuqulka Dastuurkani ma ahayn ka la xaraashay oo keliya sanadkii 1776 qabyo-qoraalka koowaad ee Qodobbada Confederation ayaa la iibiyey oo ku kacay $1 milyan.

Sidoo kale waxaa la iibiyay 1788 Journal of Convention of North Carolina ee Hillsborough, halkaas oo wakiiladu ku qaateen laba toddobaad ka doodista in ansixinta Dastuurku ay awood badan u yeelan doonto dawladda federaalka halkii ay ka ahaan lahayd gobollada. Dukumeentiga waxaa lagu iibiyay $85,000.