Urur Siyaasadeedka Tallo-wadaag oo Cududda Taageerayaashiisa ku soo Bandhigay Fagaarayaasha Dalka

0
27

 

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Olalaha doorashada ayaa galay ayaa maalintiisi 4-aad, waxaaney taageerayaasha urur Siyaasadeedka Tallo-wadaag ay shalay isu soo baxa ollolaha doorashooyinka ka sameeyeen beerta Xoriyada ee magaalada Hargeysa.

Taageerayaasha isku soo baxa ka qayb galaya, ayaa sitay sawirada iyo astamaha musharaxa urur siyaasadeedka Tallo-wadaag, iyagoo ku dhawaqaya halku dhagyo ay guul ugu rajaynayan ururka.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Tallo-wadaag, Mudane Ibraahim Mahdi Buuba, ayaa ollolaha ururka ee maalinta kobaaad kaga qayb galay magaalada Hargeysa, waxaanu ka hadlay ahmiyada ay doorashooyinkani leeyihiin, waxaanu sheegay in ururkiisu uu soo sharaxay dadkii isbadalka horseedi laha.

Guddoomiye Buuba ayaa sheegay in 7-dii sano ee xukuumadda madaxweyne Biixi jirtay ay dhibaatooyin iyo hagar-daamooyin xad dhaaf ahi dalka ka dhaceen, waxaanu xusay in xuduudihii dalku ay soo koobmeen, waxaanu hoosta ka xariiqay in sidoo kale xukuumaddu ay ku sifowday kala qaybinta bulshadii quluubtoodu mideysneyd.

Waxaanu yidhi.“Aadbaan ugu faraxsanahay in aan maanta kala qaybgalo taageerayaasha urur siyaasadeedka Tallo-wadaag, ee cududooda taageero ku soo bandhigey beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa.

13-ka November bulshadda Somaliland waxa ay u dareeri doonaan doorashada ururada iyo madaxtooyada haddii ILLAAHEY yidhaahdo, dalkeenu waxa uu u baahan yahay isbeddel siyaasadeed, xukuumaddeed iyo mid xisbiba.

Xukuumaddu 7 sano ee ay dalkan ka talineysay dhibaatooyin iyo hagar-daamooyin xad dhaaf ah ayaa ka dhacay, dalkii mideysna ee xuduudihiisu sugnaayeen in maanta xuduudihii dalkuna soo urureen, kuna soo urureen dhulka intii beesha dhexe la odhan jiray ay daganeyd, bulshadiina quluubtoodii la kala diley, isla markaana ay kow ka tahay xukuumadda talada dalka haysa kala qaybinta bulshada, sidaasi darteed in isbedel dalkan ku yimaada waa laga maarmaan”

Geesta kale waxa uu taageerayaasha ururka Tallo-wadaag ku booriyay si dalka inta hadhay loo badbaadiyo inay codkooda siiyaan murashaxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed
(Cirro).

Waxaanu yidhi. “Xisbiyada tartamaya, xisbiga ugu weyn waxa musharax u ah Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, aniga saaxiib ayaanu ahayn, imikana saaxiib ayaanu nahay aasaasayaashi ururka WADDANINA waan ahaa, imikana Tallo-wadaag waanu soo bixi doona oo xisbi ayaanu noqon doona.

Si dalka inta hadhay loo badbaadiyo u codeeya Murashaxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro),.”

Dhinaca kale waxa uu saddexda xisbi Qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ku eedeeyay inay xaydaabkii xisbinimada ay baalmareen, isla markaana ay ku tunteen shuruucdii, nidaamkii iyo kala danbeyntii dalka, bulshadii ay iska horkeeneen, waxaanu faray bulshadu inay ka codeeyaan.

Waxaanu yidhi “Xisbiyadu xaydaabkii loo aasaasay way ka baxeen, sababto ah waxa loo aasaasay in Qabyaalada lagaga baxo, dalka way baabi’iyeen oo shuruucdii dalka ayay ku tunteen, bulshadii ayay kala dileen, quluubtoodii wada jirtayna baabi’iyey caddowga Somaliland-na si dhib yar ku soo dhex galay, waxaaney noqdeen 3-da xisbi Qaran kuwa dhiigooda Qabyaalada lagu waraabiyo, in aad bulshooy fartiina ku badashaan ayaa la raba, niman waa weyn oo timo cadcad ayaa oo bulshadan baabi’iyay ayaa markale idin la doorta, xukuumadda oo kali ahi isbeddel uma baahna balse xisbiyadana aan beddelo”.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Tallo-wadaag, Mudane Ibraahim Mahdi Buuba, ayaa mid mid isu dul taagay ujeedooyinka ugu waa weyn ee ururkooda loo aasaasay.

Waxaanu yidhi.“Tallo-wadaag waxa uu u taagan yahay mideynta Quluubta JSL, hirgelinta iyo ku dhaqanka JSL leedahay, ee ay dumiyeen 3-dii xisbi Qaran ee hore ee aynu garaneyno, waxa uu u taagan yahay in uu noqdo salaankii.

Ururkayaga kuma jiraan nimankii dalkan, hantidiisi cuney, baabi’iyey, magacyo kula baxay midna isbeddelka dhabta ah ee la doonaya waa kaasi”

Gaba-gabadii waxa uu taageerayaasha ururka Tallo-wadaag ee gobolllada iyo degmooyinka ka sameeyay isu soo baxa uu uga mahadceliyay sida ay u garab taagan yihiin markasta.

Waxaanu yidhi.“Taageerayaasha gobollada Togdheer, Sanaag iyo Awdalna aadbaan ugu mahadceliya, sida ay wakhtigooda ugu hureen inay garab istaagaan urur siyaasadeedka Tallo-wadaag”