Ruushku siduu u kala door bidayaa Trump iyo Harris?

0
24

Saraakiisha Ruushka ee ka soo jeeda madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in aanay kala jeclayn cida ku guulaysan doonta Aqalka Cad 5-ta November.

Iyada oo sidaas tahay hadna, qof kasta oo daawada warbaahinta Kremlin-ka ee dawladda hagayso marka la tebinayo arrimaha doorashada Maraykanka waxay ku soo gabagabeeyaan in arrimuhu xagga Donald Trump u socdaan.

Dhowaan Barnaamijka wararka ee TV-ga Qaranka Ruushka ee Channel One ayaa soo bandhigay muuqaal uu bilyaneerka Elon Musk dhaleecaynayay musharaxa Dimuqraadiga Kamala Harris.

Sidaas oo kale Putin laftiisu oo si jees-jees ah uga hadlay bishii hore Harris ayaa si weyn uga dhex muuqday baahinta, TV-ga dawladduna waxaana uu soo ururiyay hadaladeeda intii lagu jiray ololaha.

Kremlin-ka ayaa sheegtay in doorashada qofka noqonaya madaxweynaha xiga ee Maraykanka ay tahay arrin u gaar ah dadka Maraykanka inay go’aan ka gaadhaan, ayna la shaqeyn doonaan cid kasta oo la doorto.

Warbaahinta dawladda waxay si fagaare ah uga hadleen doorashada Maraykanka, laakiin dawladu way diidaa in ay isteerinka u hayso barnaamijyada. Si kastaba ha ahaatee way muuqata in warbaahinta dawladdu u door bidayso Trump.

Ukraine ayaa taageeradaTrump ayaa aad uga yar marka loo eego dagaalka Ruushka iyo Ukraine. Ukraine waxay aad ula socotaa madaxweynaha xilka haya Joe Biden iyo Harris, Kyiv waxay ka werweraysaa in ay waayi karto saaxiibka ugu muhiimsan haddii uu guuleysto Trump.

Trump, oo si isdaba joog ah u ammaanay Putin sannadihii la soo dhaafay, isla markaana ku faanay inuu xidhiidh wanaagsan la leeyahay, ayaa todobaadkii hore ku eedeeyay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy inuu gacan ka geystay bilowga dagaalka.

Bishan waxa uu diiday in uu xaqiijiyo warar uu dhowr jeer la hadlay Putin tan iyo markii uu xafiiska ka tagay 2021 isaga oo ku jawaabay ama ku gaabsaday: “Haddii aan sameeyey, waa wax caqli-gal ah.”

Taa beddelkeeda Harris waxay uu Putin ugu yeedhay “kaligii taliye gacan ku dhiigle ah,” waxay wacad ku maray in uu sii wadi doonto taageerada ay u hayso Ukraine, waxay sheegtay in siyaasigii mucaaradka ahaa Alexei Navalny uu ku dhintay xabsiga taasina ay tahay “calaamad dheeraad ah oo muujinaysa arxandarrada Putin.” Laakiin Kremlin-ka wuu diidayin uu wax gacan ah ku lahaa geerida Navalny.

TV-ga qaranku wuxuu inta badan marti-qaadaa shakhsiyaad khubaro madax bannaan lagu sheego kuwaas oo muujinaya doorbidka Trump.

Andrei Sidorov, oo ah aqoonyahan sare oo ka tirsan jaamacadda Moscow State, ayaa u sheegay TV-ga qaranka bishii Oktoobar in Trump uu u roonaan doono Ruushka sababta oo ah wuxuu kicin doonaa kala qaybsanaan ku saabsan reer galbeedka iyo Ruushka.

Andrei Sidorov waxa uu yidhi “Anigu waxaan ahay Trump. Had iyo jeer waxaan raacsanahay Trump – waa burburiye, wuxuu runtii horseedi karaa in cadowgeena juqraafiyeed uu burburo iyada oo aan wax gantaal ah la ridin.” Sidorov saadaalinta guusha dimuqraadiga wuxuu ku sheegay wax xun waxay sii wadi doontaa sida hadda wax yihiin” Sidorov.

Warbixin ka soo baxday sirdoonka Maraykanka 2017 ayaa lagu sheegay in Putin uu agaasimay olole saameyn casri ah leh si uu u bahdilo musharaxa Dimuqraadiga Hillary Clinton oo uu Trump ku taageero tartankii 2016 ee Aqalka Cad. Kremlin-ka ayaa diiday warbixintaa sidaas oo kale Trump ayaa dafiray in uu wax xidhiidh ah la sameeyay Ruushka intii uu socday ololahaas.

Xidhiidhka Ruushka iyo Maraykanka ayaa ku jira heerkii ugu xumaa tan iyo 1962 sidaa awggeed Moscow waxay aad u dhowraysaa doorashada 5-ta November cida xafiiska iman doonta, hadii Trump soo baxo waxay rumaysan yihiin in ay nafis ka heli doonaan dagaal Ukraine, hadii uu Dimuquraadigu guulaystana waxay qabaan in dagaalku sii socon doono. Sidaas oo kale Ukraine waxay aad u doorbidaysaa in saaxiibkeeda Dimuquraadigu soo baxo.