Xisbiga UCID oo Ololohiisa Boorama iyo Ceerigaabo U Bedelay Xoolo Qaybin

0
25

 

Qore: Cabdiwahab Dahir Xasan.

 

Gobolada Dalka, (Dawan) Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka ee UCID,ayaa ololihiisa Boorama iyo Ceerigaabo u bedelay Xoolo qaybin uu gaadhsiiyay cisbitaalada iyo Jeelasha labadaa magaalo.

 

Gudoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ahna Mushrashaxa Madaxwayne ku xigeen ee Xisbiga UCID engineer Cabdirashiid Ducaale Diiriye iyo masuuliyiinta Gobolka Awdal ayaa kaalmo  Xoolaha ah oo iskugu jirta Adhi iyo Lo, waxay gaadhsiiyeen Cisbitaalka guud ee magalada Boorama gaar ahaan qaybta Qaaxada  iyo Maanka sidoo kale waxa kale oo ay gaadhsiiyeen  Xoolo  Xabsiga dhexe ee Gobolka Awdal Iyada oo kaalmadaas  ay kala wareegeen masuuliyiinta Cisbitaalka Boorama iyo Taliyaha Xabsiga dhexe ee Boorama.

 

Geesta kale  Guddoomiye ku xigeenka xisbiga UCID  Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax ayaa kaalmo Adhi ah ku wareejiyey xabsiga dhexe Ceerigaabo,  Cisbitaalka qaaxadda iyo cisbitaalka Maanka

 

Kaalmada xoolaha ah ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID uu shalay Boorama iyo Ceerigaabo ku qaybiyay ayaa nononaysa markii ugu horraysay ee maalin olole kaambayn doorasho Xisbi u bedelo xoolo qaybin iyo in uu gaadho ololihiisu bukaanka iyo maxaabiista magaalooyinka qaar.