Xisbiga UCID oo Ololohiisa Boorama iyo Ceerigaabo U Bedelay Xoolo Qaybin

0
194

 

Qore: Cabdiwahab Dahir Xasan.

 

Gobolada Dalka, (Dawan) Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka ee UCID,ayaa ololihiisa Boorama iyo Ceerigaabo u bedelay Xoolo qaybin uu gaadhsiiyay cisbitaalada iyo Jeelasha labadaa magaalo.

 

Gudoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ahna Mushrashaxa Madaxwayne ku xigeen ee Xisbiga UCID engineer Cabdirashiid Ducaale Diiriye iyo masuuliyiinta Gobolka Awdal ayaa kaalmo ย Xoolaha ah oo iskugu jirta Adhi iyo Lo, waxay gaadhsiiyeen Cisbitaalka guud ee magalada Boorama gaar ahaan qaybta Qaaxadaย  iyo Maanka sidoo kale waxa kale oo ay gaadhsiiyeenย  Xooloย  Xabsiga dhexe ee Gobolka Awdal Iyada oo kaalmadaas ย ay kala wareegeen masuuliyiinta Cisbitaalka Boorama iyo Taliyaha Xabsiga dhexe ee Boorama.

 

Geesta kaleย  Guddoomiye ku xigeenka xisbiga UCIDย  Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax ayaa kaalmo Adhi ah ku wareejiyey xabsiga dhexe Ceerigaabo,ย  Cisbitaalka qaaxadda iyo cisbitaalka Maanka

 

Kaalmada xoolaha ah ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID uu shalay Boorama iyo Ceerigaabo ku qaybiyay ayaa nononaysa markii ugu horraysay ee maalin olole kaambayn doorasho Xisbi u bedelo xoolo qaybin iyo in uu gaadho ololihiisu bukaanka iyo maxaabiista magaalooyinka qaar.