Guddida Anshaxa Doorashooyinka oo Ganaax Dul Dhigay Xisbiyada Kulmiye, Waddani, Ururka Kaah

0
146

 

Qore:Cabdiwahab Dahir Xasan

Hargeysa (Dawan)- Guddiada Anshaxa, Xalinta Khilaafaadka iyo kormeerka Komishanka Doorashooyinka ayaa sheegay in Xisbiga kulmiye, Waddani iyo ururka Kaah iyo masuuliyiin kale ay sameeyeen hab-dhaqan ka hor imanaya xeerka hab-dhaqanka ee ururada iyo xisbiyada 02/2024 iyo xeerka guud ee doorashooyinka xeer 91/ 2023, iyo sidoo kale xeer 14/2023, isla markaana ay qaadan waayeen digniinihii iyo habraacaayadii Doorashooyinka loo asteeyey isla markaana ay duldhigeen ganaaxyo lacageed.

Guddida Anshaxa iyo Kormeerka Doorashooyinku ayaa ganaaxa lacageen ee ay dul saareen Xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo ururka Kaah ayaa waxay u dhignaayeen sidan. “Markaanu aragnay hab-dhaqanka, anshaxa, xisbiyada iyo Ururada, xeer 02/2014 iyo xeerka guud ee Doorashooyinka xeer 91/ 2023 iyo xeer 14/2023. Markaanu aragnay Xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo Ururka Kaah in ay caadayteen, qaadana waayeen digniinihii iyo hab-raacyadii Doorashooyinka ee ololaha loo asteeyey. Waxa ay Guddida anshaxa Xalinta khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka go’aamiyeen ganaax lacageed oo kala ah. Xisbiga Kulmiye 100 milyan oo shilka Somaliland ah, xisbiga Waddani 50 milyan oo shilka Somaliland ah, Ururka Kaah 50 milyan oo shilka Somaliland ah, ganaaxaas oo ay ku bixinayaan muddo Saddex maalmood.”

Waxa kale oo ay sheegeen in Guddigu talaabo anshax marineed ay ka qaadeen masuuliin ka tirsan Xisbiga Kulmiye, isla markaana sida ay sheegeen ay heleen cadaymo maqal iyo muuqaal ah. Waxana ay yidheedeen. “Anaga oo cuskanayna xeerka hab-dhanka ee ururada iyo xisbiyada siyaasada xeer 02/2014, qodobkiisa 9aad faqrada 1aad iyo 2aad in masuuliinta hoos ku qorani ay ku xad-gudbeen xeerkan isla markaana waxa lagu ganaaxay, Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha Cabdirisaaq Muuse Faarax 10 milyan oo SHL, Xoghayaha guud ee Xisbiga kulmiye Faysal Cabdiraxmaan 5 milyan oo Shl ah, madaxa ololaha kulmiye ee maroodi-jeex Mustafe Qodax 5 milyan oo shl, Xildhibaan Maxamed Abiib Cismaan (Siikawi) 5 malyan oo shl ah.”

Geesta kale, Guddiga ayaa masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ku eedeeyey in ay wareegto magacaabid ah ku soo saareen qaar ka mid ah Shaqaalaha Dawlada sidoo kale qaar ka mid ah agaasimayasha guud ay u wadaan ololaha taasi oo bay yidhaadeen ka hor imanaysa wareegtadii uu dhawaan madaxwaynaha Somaliland soo saaray oo u dhignayd in aan shaqalaha dawladu ka qayb gali karin ololaha.

Gabagabadii Guddida Anshaxa Xalinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka ayaa sheegay in Xisbiga Waddani ololole kawaday gobolada iyo degmooyinka dalka isaga oo dhagaha ka furaystay digniino ay hore ugu direen.

Ururka Kaah ayaa ay isagana ku eedeeyeen in ay taageerayashiisu ku kaceen falal anshax xumo ah isla markaana ay sameeyeen is dhexgal rag iyo dumar ah sidoo kalena ay warejinayeen shaaricyada magaalada gawaadhi ay ku xidheen sameecado waawayn.