Madaxweynaha JSL oo Xadhigga ka jaray Dugsiga Farsamada Gacanta ee Hargeysa oo Dib loo Dhisay

0
178

“Dal kasts oo doonaya inuu koro oo dhaqaalihiisu liito, waa inuu dadkiisa u jiheeyaa iskuuladda farsamadda gacanta danteena ayaana ku jirta in…” madaxweyne Biixi

Hargeysa (Dawan): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay xadhigga ka jaray dugsiga farsamada gacanta Hargeysa (Hargeisa Technical Institute) oo dib-u-dhis, casriyeyn iyo dib-u-habayn ballaadhan lagu sameeyey.

Dugsiga farsamadda gacanta Hargaysa ayaa ahaa kii u horeeyay ee noociisa ah oo dalka laga dhisay sanadkii 1952-kii. Dhismahaa hore ayaa ka koobnaa 13 fasal, iyo xarun maamul, balaadhinta iyo qurxinta dhismahan cusub ayaa ka kooban 32 fasal, kuwaasoo dhamaantoodba ay geli karaan arday ka badan 40 arday markiiba.

Dugsigani farsamadda gacanta Hargaysa oo casriyayn iyo balaadhin lagu sameeyay waxaa ku baxday lacag lagu qiyaasay 2.4 Milyan dollar oo lacagta Maraykanka ah, waxa kaloo lagu soo kordhiyay dugsigani lix Hool oo cilmiga makaanikada lagu baranayo, goob soolar iyo laba beeraha yar yar ee casriga ah (Green houses) oo waaxda dhinaca beeruhu aqoontooda ku korodhsadaan, wax soo saarna u noqonaysa dugsiga.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabid, oo balaadhinta dugsigani xadhiga ka jaray ayaa u mahad naqay cid kasta oo gacan ka geysatay dhammaystirka dugsigani. Madaxweynaha ayaa bogaadiyey inuu dhammaystirmo dugsiga farsamada gacanta ee Hargeysa, waxana uu ku dheeraaday taariikhda dadkii ka baxay iyo sida ay u noqdeen dadka ugu haldoorsan ee noloshooda libinta ka gaadhay.

Waxaanu sheegay in la gaadhay waqtigii loo wada jihaysan lahaa dhinaca waxbarashadda farsamada gacanta, taasoo uu sheegay in ay ka fursado badan tahay kana faa’iido badan tahay noocyadda kale ee waxbarashadda.

“Marka aynu nahay ummad dhan oo wada xisaabiye (Accountant) ah, ummad dhan oo wada ganacsi (Business) baratay waxay ila tahay in aynaan suuq u haynin, taasina waxay ina tusaysaa muhiimadda ay leedahay in aynu dadkeenna dhinaca farsamada iyo xirfadda u jihaynno” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa kaloo uu madaxweynuhu tilmaamay in wadan kasta oo dhaqaalihiisu liito oo doonaya inuu kordhiyo in ay lagama maar maan u tahay inuu dadkiisa u jiheeyo iskuuladda farsamadda gacanta.

Waxaanu yidhi “Sidaas darteed ayay u noqotay dal kastoo doonaya inuu koro oo dhaqaalihiisu liito, waa inuu dadkiisa u jiheeyaa iskuuladda farsamadda gacanta. Sidaas ayaynu u xoojinaynaa oo danteena ayaa ku jirta in aynu dadkeena farsamadda gacanta. Qofka ka baxay dugsiyadda farsamadda gacantu intuu nool yahay shaqo ma waayo. Waayo? Baahidiisa ayaa jirta”.

Wasiirka waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Dr. Axmed Aadan Buuxane, ayaa si qoto dheer uga warramay dugsiga farsamada gacanta ee Hargeysa iyo doorka uu ka qaadan doono shaqo abuurka iyo kor u qaadista xirfadaha dhallinyaradu u baahan tahay.

Wasiir Buuxane, ayaa hoosta ka xarriiqay in qaranku u jihaystay xoojinta waxbarashada dhinaca xirfadda iyo farsamada, xukuumadduna diyaarisay siyaasaddii arrintaas lagu maamuli lahaa,

waxana uu yidhi“Waxaynu u jihaysannay waqtigii waxbarashadeenna dhinaca farsamada gacanta aynnu u weecan lahayn, waayo dunida kale siyaasaddooda waxbarashada waxa ku jirta in 75% loo diro waxbarashada farsamada gacanta, waana naga diyaar siyaasaddii waxbarashada farsamada gacanta ee dalku”.

Geesta kale wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud oo halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey dugsigan cusub ee farsamada gacanta ee Hargeysa oo uu ku tilmaamay mid baahi badan loo qabay.

Munaasibadda xadhig-ka-jarista waxa madaxweynaha ku wehelinayey xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayar ku xigeenka Caasimada, hoggaanka xisbul-xaakimka KULMIYE, siyaasiyiin, haldoor iyo marti-sharaf kale.

Iyada oo halkaas laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda uu dugsigan u leeyahay waxbarashada iyo helitaanka xirfado kaalin muuqata ka geysan kara sidii dhallinyarada dalka loogu samayn lahaa shaqo abuur muuqda.

Dhinaca kale madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa isla shalay kormeeray hudheelka dawladda ee Hargeysa Club oo noqon doona mid u gaara qaranka oo xukuumadda uu hoggaamiyaa ku samaysay dib-u-habayn iyo ballaadhin.

Madaxweynaha, ayaa mid mid u galay qaybaha kala duwan ee Huteelku ka kooban yahay, waxana uu indhihiisa kusoo arkay horumarka uu sameeyey hindisihiisii ahaa in dawladdu yeelato Huteel casri ah oo la jaanqaadi kara huteellada dhiggiisa ah ee Kale, islamarkaana laga maalgeliyey miisaaniyadda Qaranka.

Hudheelka Hargeia Club, ayaa haatan laga dhigay mid baaxaddiisu ballaadhan tahay, casri ah, isla markaana loo dhammaystiray wax kasta oo huteel casri ah looga baahnaa.