Ciidanka Sirdoonka Somalialnd oo Xidhay Afar Dhallinyaro Hubeysnaa oo ka soo Dhex-muuqday Olaha Doorashada

0
72

Hargeysa (Dawan) Hay’adda Sirdoonka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay inay qabteen oo xabsiga u taxaabeen Dhalinyaradii hubeysnayd ee ku labbisnaa calanka Kulmiye kana soo dhex muuqday ololihii doorashada ee Kulmiye.

Hay’addu waxay sheegtay in dhalinyaradaasi oo Afar ahaa in la horgeyn doono maxkamadda Ciidamada, sidoo kalena ciidamada Booliska ayaa iyaguna xabsiga u taxaabay xubnihii kale ee la socday dhalinyaradaasi.

Hay’adda sirdoonku waxa ay sidaasi ku sheegtay qoraal ay ku baahisay barteeda X (Twitter) waxaanu u dhigna sidan. “NIA ayaa xabsiga u taxaabtay afartii qof ee hubaysnaa ee qaska iyo qalalaasaha ka waday maqribnimadii isu soo baxa Kulmiye ee habeenimadii 28kii bishan. Waxa la horgeyn doonaa maxkamadaha ciidamada qalabka sida.
Sidoo kale ciidamada booliska jamhuuriyadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay xubnihii kale ee kooxdaasi ka tirsanaa.”