“Geeska Afrika Waxa ku yaal Dal Istaraatiiji ah ‘Somaliland’ oo Isu Diyaarinaya Safar Adag”

0
96

Wargeyska Caalamiga ah ee Weekly Dailly, oo War-bixin dheer ka qoray Somaliland, taas si gaar ah diiradda u saaray taariikhdeeda iyo dedaallada aqoonsi-raadinta ee heshiiska Itoobiya ka mid yaha

Hargeysa (Dawan)- Wargeyska Caalamiga ah Weekly Dailly, ayaa war-bixin dheer ka qoray Jamhuuriyadda Somaliland iyo hannaanka dawladeed ee dimuquraadiga ah oo ay ku tilmaantay mid shaqaynaya, waxaanay warbxintu si gaar ah diiradda u saartay taariikhdeeda iyo dedaallada aqoonsi-raadinta ee heshiiska Itoobiya ka mid yahay.

Warbixintan oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka ee SOLNA, ayaa si faahfaahsan sawir uga bixisay doorka Somaliland ee gobolka iyo caalamka intiisa kale, waxayna si gaar ah diiradda u saartay xaqiiqooyin ku taxan habka hoggaamineed ee Madaxweyne  Muuse Biixi.

“Geeska Afrika waxa ku yaal dal la yidhaahdo Somaliland, kaas oo isu diyaarinaya safar adag. Si kastaba ha ahaatee, Somaliland waxay ku taallaa meel istaraatiiji ah, nabad ah, oo dastuuri ah, waxayna ku faantaa guullo dimuqraadi ah. Dalka Somaliland waxa uu xuduud la wadaagaa Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi warbixintaas.

Weekly Daily, ayaa ka warramay halgankii guulaystay ee SNM la gashay Taliskii Maxamed Siyaad Barre ee Soomaaliya waxana lagu yidhi   “Somaliland waxa ay dagaal la gashay taliskii kalitaliska ahaa ee Maxamed Siyaad Barre ee Soomaaliya, iyada oo adeegsanaysa dhaqdhaqaaqii SNM. Sida muuqata, Madaxweynaha talada haya ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu kaalin mug leh ka qaatay guusha ururkaas. Sumcadda uu ku caan baxay ee ah in uu yahay qof aan tanaasulin oo u heellan gooni-isu-taagga Somaliland, waxa ay salka ku haysaa halgamaanimadiisii, isaga oo door laxaad leh ka qaatay difaaca halganka ballaadhan ee madax-bannaanida Somaliland.”

Wargeyska waxa kaloo uu intaas  ku daray “Fahamka Somaliland laga haystaa waxa ay noqotay mid lama huraan ah oo aan waligeed laga maarmayn, iyadoo ay ku soo fool leedahay doorasho muhiim ah bishan November, natiijada ka soo baxdaa waxay qaabayn doontaa tubta kobaca & mustaqbalka Geeska Afrika. Tan iyo markii ay Somaliland la soo noqotay madax banaanideeda, waxa ay soo martay hal afti oo dastuuri ah, saddex doorasho madaxtooyo, laba doorasho baarlamaan iyo saddex doorasho oo dawladaha hoose ah. Waxaa ka tisqaaday kor u kaca kobaca dimuqraadiyadda.”

Wargeysku wuxuu sheegay in Somaliland saddex madaxweyne ay doorasho xor ah ku dooratay.

Warbixintu waxa ay tilmaantay in Somaliland   samaysay kor u kac cajiib ah, iyadoo helin taageero dibadeed.

Warbixintu waxay isbarbar-dhigtay Somaliland iyo xaaladda dalalka Geeska Afrika “Baadhitaan taxadar leh ayaa daaha ka qaaday in waddamada jaarka la ah Somaliland ay ka jiraan dhibaatooyin bini’aadantinimo oo qoto dheer.

Heshiiska aqoonsiga ee Somaliland la gashay Itoobiya ayay War-bixintu si kooban uga warrantay, isagoo wargeysku yidhi “Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa heshiis taariikhi ah kala saxeexday January 1, 2024, inkasta oo aan weli la ansixin, haddana waxa uu dhigayaa in Itoobiya ay keddin ka hesho badda, taas beddelkeedana ay JSL  aqoonsi ka hesho Itoobiya, taasi oo tallaabo geesinimo.”

Warsiduhu wuxuu ka hadlay sida dalalka jaarka la ah Somaliland qaarkeed uga soo horjeesteen heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu tilmaamay in madaxweynaha Somaliland u adkaystay caqabadaha ka soo yeedhayay dalal badan.

Waxa kaloo uu ku tilmaamay wargeysku madaxweyne Muuse Biixi hoggaamiye hal adag oo adkaysi u leh danaha dalkiisa.