Guddida komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ka Digey in Hub Lala Dhexmaro Magaalooyinka Dalka

0
96

Qore: Cabdiwahab Dahir xasan

Hargaysa (Dawan) Komishanka Doorashooyinka Qaranka jamhuuriyada Somaliland, ayaa digniin ka soo saaray in aan la ogolayn in qaato hubka noocyadiisa kala duwan waqtiyada lagu jiro  ololaha doorashada.

Komishanka ayaa sidoo kale sheegay in aan la aqbalayn cidkasta oo sidatada astaan xisbi Qaran ama Urur oo hubaysan.

Geesta kale Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa ku sheegay in ay la kulmeen taliyaha Ciidanka booliska Somaliland Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Sanqadh-dabagale, isla markaana u gudbiyeen dhacda baraha bulshada lagu baahiyey oo ahayd dhalinyaro ku hubaysan hubka fudud sidoo kalena sita astaan xisbi qaran sidii sharciga loo horgayn lahaa, gudidda komishanka waxay digniin u direen xisbiyada Qaranka, iyagoo sigaar ah digniin ugu diray  Xisbiga Kulmiye oo ay sheegeen in dhalinyaradaas hubaysani ay calankooda siteen.

Guddoomiyaha komishanka Doorashooyinka Qaranka oo warsaxafadeed kan akhrinayey waxa hadaladiisiii ka mid ahaa.

Waxaanu yidhi.”waxa aanu u sheegaynaa dhamaan daneeyayaasha khaasatan Xisbiga Kulmiye in aan la aqbali doonin cidkasta  amnidaro ku keeni karta geedi socodka doorashada,  haday tahay banaan bax ama isusoo bax aan sharci ahayn.”