Dadkii Iyo Deegaankii Ayaa Kala Badanaya!

0
94

Tirada dadka ee sida xad dhaafka u kordhaysa ayaa dalal badan dhib ku haysa iyagoo dhulka ay haystaan ka yar yahay tirada dadkooda sii badanaya. Dadka jasiiradan ayaa ku nool cidhiidhi ka badan afar jeer ay ka cabanyaan dadka degan xaafadda Manhatn ee Newyork Maraykanka.

Jasiiradda โ€œSanta Cruz del Ilotโ€ oo ka mid ah jasiiradaha โ€œSan Bernardoโ€ ee ku yaal biyaha Kariibiyaanka ah waa gobolka ugu cidhiidhsan adduunka, iyadoo 102 kun oo mitir oo laba jibbaaran, ay ku nool yihiin 1,200 oo qof.

Jasiiradan oo ay heleen koox kaluumaysato Kolombia ah 150 sano ka hor keliya waxay sheegeen inay ahayd jasiirada aan cayayaan ku noolayn taasi oo ay kaga duwanayd jasiirada kale.

Jasiradan waxa ka dhisan oo keliya 90 guri , dhamaan dadka way is awada yaqaaniin , albaabada guryaha, laba dukaan iyo hal makhayaad oo ku taalla midkodna.Waxa kale oo ay leedahay hal dugsi. Jasiiraddan waxba laguma xado madaama tirade dadkuba ay kooban tahay. Waxaana ay sheegeen in dhibaatada u weyn ee haystaa tahay iyagoon dadka dhinta u hayn goobo ay ku aasaan. Dadka Degan ayaa ad uga cabsi qaba in haddii tirade dadku kordho ay dhibaato noqon doonto in lagu noolaado jasiiradan oo aad u cidhiidhi ah, waxayna codsaden in wax laga qabto mushkuladda dhul laโ€™aanta ah ee haysata