Wasaaradda Maaliyada oo Tababar Mihiim ah ka Furtay Berbera

0
121

Qore: C/wahaab Daahir Xasan

Berbera (Dawan) Agaasimaha Guud ee Wasaarada Horumarunta Maaliyada Somaliland Mudane Maxamed Cismaan Mu’adinka ayaa furay tobabar socondoona Muddo laba maalmood ah oo ku saabsan Mashruuca SERP ee Horumarinta maaliyada iyo kaabayaasha Dawlada.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyada oo si rasmi ah u firay tobarkani ayaa ka warbixyey ujeedada tabarakan iyo mudada uu socondoono.

Waxaanu yidhi.”Tababarkani waxa uu ka mid yahay tababarada aynu ku furayno Mashruuca SERP ee dhawaan bilaabmay, kaas oo ah horumarinta Maaliyada, iyo kaabayaasha Dawlada, waxa uu ku saabsan yahay dabagalka Masruuca iyo sidii looga soo warbixinlahaa, waana qaab casri ah oo cusub, waa nidaam cusub oo aynu rabno in waax kasta halkii aan awal foom ka isticmaali jirnay kan waxa la isticmaalayaa (GIS).”

Tobabarkan ayaa ku saabsanaa dabagalka mashruucaasi iyo sidii looga warbixin lahaa, waxana ugu horayn hakaasi ka hadlay Madaxa mashruuca SERP Maxamuud Cumar Xuseen iyo master Banech oo ka socday World Bank waxanay ka warbixyeen ujeedada uu ku saabsan yahay tababarkani.