Wasaarada Kaluumaysiga oo Furtay Kulan-ku Saabsan Siyaasada Badqabka Kalluunka

0
75

Qore: Cabdiwahaab Daahir Xsan

Hargaysa (Dawan) Wasaarada Kaluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha Somaliland oo kaashanaysa Haayada FOW ayaa Magaalada Hargeysa ku qabatay kulan hawleed lagu soo bandhigayo Siyaasada fayodhawrka iyo badqabka Kaluunka Somaliland, isla markaana ay ka soo qaybgaleen Madaxda wasaarada Kaluumaysiga, qaarkamid ah shaqaalaha Hayada dhawrista Tayada iyo masuuliyiin ka kala socday Hayadaha Dalka.

Waxa ugu horayn daahfuray kulan hawleedkan Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, waxana uu ka warbixiyey Nuxurka iyo uu uheedada uu daaran yahay kulan hawleedkani.

Wasiir Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa ka hadlay kulan hawleedkan lagu gorfaynayey isla markaana lagusoo bandhigayey Qabyo-qorqaalka siyaasada Tayada Kaluunka oo ay iska kaashanayeen Wasaarada Kaluumaysiga iyo Haayada FOW ayaa wariirku waxa uu yidhi.

Waxaanu yidhi.”Sida aynu kawada warqabno, Kaluunku isagoo Bulshada Caafimaadkeeda dhaqaaleeheeda,iyo khaaraadka dhinaca Badda ba muhiim inoo ah, waxa lagama maarmaan noqotay, in lahelo kaluun Tayadiisa iyo badqabkiisa lahubo. Waxa aynu halkan u joognaa in la helo siyaasadii lagu hagilahaa badqabka Iyo tayada Kaluunka.”

Gabagabadii waxa madasha shirka ka hadlay masuul ka socday Haayada FOW, isla markaana sharaxaad ka bixiyey in loobaahan yahay helida siyaasad cad oo lagu hago hubinta iyo badqabka tayada kaluunka dalka lagu Cuno iyo ka dibada inooga baxaya, siyaasadii lagu maamulilahaa.