Waxaan ku Baaqay in Arimaha Doorashooyinka Looga Dambeeyo Komiishan Doorashooyinka Qaranka”

0
92

 

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in cidda kaliya ee ka hadli karta arrimaha doorashooyinka ay yihiin Koomishanka doorashooyinka Qaranka, sidaas darteedna ay waajib tahay in iyaga loo daba-fadhiisto arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale, Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed,  waxa uu xusay in ciddii kale ee ka hadasha arrimaha doorashooyinka wakhtigan inay yihiin kuwa dhaawac u geysanaya nidaamkii deganaanshaha doorashooyinka dalka la filayo inay ka qabsoomaan 13-ka November.

Geesta kale waxa uu digniin u diray dadka ku hawlan ka hadalka arrimaha doorashooyinka ee aanay shaqadoda ahayn, waxaanu faray inay ka waantoobaan, waxaanu intaas ku daray in hadda doorashada tallo-bixinteedii iyo ka hadalkeediba uu dhammaaday, kaliya waxa la sugaana ay tahay doorasho loo dareero.

Waxaanu yidhi.“Cidda kaliya ee arrimaha doorashooyinka ka hadli karta xaalada uu maanta taagan yahay waa cidda dastuurku awooda u siiyay oo ah guddida doorashooyinka, daneeyayaasha dastuurku xadidaayo oo ah ururada siyaasada iyo xisbiyada Qarankan, basle ciddii kale ee ka hadasha waxa ay dhaawacayaan nidaamka doorashooyinka iyo nidaamka deganaanshaha doorashada.

Cidda dooneysa inay docadoceyso, ama ka hadasho sideedabana ka hadlay waxaan leeyahay wax aydaan shaqo ku lahayn haka hadlina, tallo bixinteedii way dhammaatay meelbaanay yuururtaa.

Doorashada waxa lagu galaya sharciyo xeerar iyo xeerka gaarka ah ee lagu maamulo doorashada Qaranka, iyo xeerka lagu maamulo warbaahinta madaxa bannaan iyo ta dowladdaba.

Doorashada maamulkeeda, arrimaheeda, tallo bixinteeda, kawada tashigeedu waa guddida doorashooyinka Qaranka, asxaabta Qaranka iyo ururada siyaasada, ahna daneeyayaasha doorashadu ka dhaxeyso.

Madaama ay caddahay xeerka doorashada lagu maamulaayo, maaddama ay cadahay cidda awooda u leh maamulka doorashada iyo cidda daneeyayaasha ah ee doorashadaasi ay dhexmareyso, waxa laga maarmaan ah, waajib distooriya ah in loo daayo cidda hawshaasi leh, isla markaana looga hadho hay’addaha arrintaasi ka hadlaaya.”