Yaxaaskii ugu da’da weynaa adduunka oo dhintay

0
190

Yaxaaskii ugu da’da weynaa caalamka inta la rumaysan yahay ayaa ku dhintay goob lagu xanaaneeyo duurjoogta oo ku taalla dalka Australia.

Yaxaaskan oo lagu magaacabi jiray Cassius waxa uu dhererkiisu ahaa ku dhawaad ​​5.5m (18ft), waxa uu miisaankiisu ahaa ku dhawaad ​​hal tan waxana loo malaynayay in uu jiray ugu yaraan 110 sano – in kasta oo aanu qofna si dhab ah u ogayn.

Yaxaas-kan  weyn oo ka mid ahaa kuwa ku nool biyaha cusbada leh waxa uu ku noolaa meel loo xidhay oo ku taal jasiirad ka baxsan xeebta Queensland tan iyo markii laga soo qabtay dhul ka mid ah Waqooyiga Australia 1980-kii.

Sannadkii 2011-kii, diiwaanka Guinness World Record ayaa u aqoonsaday yaxaaska ugu weyn ee la hayo.

Marineland Melanesia Crocodile Habitat ayaa qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada ku sheegtay in Cassius uu ahaa “saaxiibkeeda ay jeceshahay” iyo “xubin qaali ah oo ka mid ah qoyskooda”.

Cassius waxa uu hore ugu noolaa duurka ama kaynta, halkaas oo uu caan ku ahaa qabashada iyo ugaadhsashada xayawaanada, ka hor intii aan lagu soo qaban weerar loo afeegsaday Doonyaha mashiinnada ku socda.

Aasaasihii deegaanka xayawaanka, George Craig, ayaa iibsaday Cassius sannadkii 1987-kii, sida ay sheegtay Australian Broadcasting Corporation.

Cassius “wuxuu keenay saaxiibkiisa George u keenay farxad waxaana uu wheel u ahaa in ka badan 37 sano”, Marineland Melanesia Crocodile Habitat ayaa sidaa tidhi.

Marineland Melanesia Crocodile Habitat ayaa intaa ku daray in Mr Craig uu u guuray meesha la yidhaahdo Cairns bishii hore isla markaana uu caafimaadka Cassius uu hoos u dhacay wax yar ka dib.

” Cassius waxa uu ahaa mid aad u da’ weyn waxaana la rumaysan yahay in uu sanado badan oo aan la aqoonsanayn uu duurjoogta ahaa,” ayaa lagu yidhi hadal la soo dhigay warbaahinta.

Deegaanka ayaa sidoo kale u mahadceliyey “qof kasta oo soo booqday Cassius noloshiisa oo dhan oo u fidiyey naxariis”, isaga oo intaa ku daray in goobta laga yaabo in goobtii Cassius ay ku shaqeyso “awood xaddidan maalmaha soo socda”.