Donald Trump: “Doorashada Maraykanku waa mid lagu xorraynayo Maraykanka

0
66

Muxuu yahay hadalka uu wuqooyiga Carolina ka jeediyay Trump xilli uu qudbeynayay?

Muxuu yahay hadalka uu wuqooyiga Carolina ka jeediyay Trump xilli uu qudbeynayay?

Muxuu yahay hadalka uu wuqooyiga Carolina ka jeediyay Trump xilli uu qudbeynayay?

Donald Trump  ayaa isu soo bixii ugu dambeeyay ee Sabtidii ka qabtay gobolka North Carolina, gaar ahaan magaalada Greensboro,Gobolka oo doorashooyinkii madaxtinimo ee 2016 iyo 2020 u codeeyey Trump. Wuxuu ku bilaabay hadalkiisa inuu soo celin doono “riyadii Maraykanka” wuxuuna ku andacooday inuu qabtay ” isu soo baxyadii ugu weynaa ee taariikhda waddan kasta.

Khudbad uu jeediyay, oo socotay ku dhawaad ​​90 daqiiqo, ayuu ku soo hadal qaaday hadalkiisii caanka ahaa ee “war been abuur ah” wuxuuna Kamala Harris ku tilmaamay “beenaaleey”.

Trump oo hadalkiisa sii wata ayaa ku tilmaamay Maraykanka “dal la qabsaday” wuxuuna sheegay in doorashada Salaasada ay noqon doonto “maalinta xorriyadda Maraykanka”.

Trump wuxuu iska fogeeyay mashruuca 2025 oo uu ku tilmaamay “liiska rabitaanka” ee madaxweynaha xiga ee Jamhuuriga kaas oo soo jeedinaya in la ballaadhiyo awoodda madaxweynaha oo la soo rogo aragti bulsho wada muxaafid ah – isaga oo yidhi “waligeey ma odhan, mana rabo inaan idhaahdo”.

Trump ayaa sheegay in haddii uu ku guuleysto doorashada madaxtinimada, uu “si degdeg ah u yarayn doono sicir-bararka” isaga oo howshaas u maraya wado ah soo afjaridda “dagaalka Kamala ee ka dhanka ah

Si la mid ah Harris, Trump wuxuu sidoo kale dadka ku booriyay inay codeeyaan: “Marka aad wax badan ku guulaysanayso hadana wax yar ayaad ku wayn kartaa guusha”.

“Dhibaatada na haysata waa la xalin karaa, laakiin hadda masiirka ummaddeennu oo dhami gacantiinna ayuu ku jiraa,” ayuu u sheegay dadkii isugu soo baxay.

“Gacmahaaga ayay ku jirtaa, waxaad u sheegi doontaa (Harris) inay janais heshay… waxaad tahay madaxweyne ku xigeenkii ugu xumaa taariikhda, waxaad aad ugu liidataa shaqada aad qabato, dalkeennii ayaad baabi’isay. Kamala waa lagu eryay” ayuu sii raaciyay.