Guddida Anshaxa Doorashooyinka oo u Digay Kulmiye iyo Waddani

0
108

Qore: Cabdiwahaab Daahir Xasan

Hargaysa (Dawan) Guddiga anshaxa, xalinta khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka Jamhuuriyada Somaliland, ayaa xisbiyada Qaranka ugu baaqay in ay ilaaliyaan xeerarka anshaxa doorashada waqtiyada lagu guda jiro ololaha, waxaaney bulshada fareen inay ka fogaadaan waxkasta oo anshaxumo keenikara isla markaana ammaanka dalka meel looga soo wada jeesto, lagana fogaado waxkasta oo abuuri kara iskudhac iyo khalkhal.

Gudida Anshaxa ayaa shacabka reer Somaliland ku waaniyey in qofkasta uu masuuliyad isa-saaro, iyagoo arrimahaasi ka hadlayana waxay yidhaahdeen.”Waxa aan idinku waaninaynaa, Sida uu Nabigeenii Yidhi, NNKH qof kasta oo inaga mid ahi waxa uu masuul ka yahay Naftiisa, Ehelkiisa iyo guud ahaan bulshada oo dhan.”

Geesta kale waxa ay sheegeen in guud ahaan shacabka laga doonayo, madaama wakhtigii doorashada isku sidkan ee Ururada Siyaasada iyo Madaxtooyada ay wakhtikooban ka hadheen in ay xil iskasaaraan sidii doorashooyinkasi ay dalka uga dhici lahaayeen si nabdoon oo xor iyo xalaal ah isla markaana laga fakaro mustaqbalka dadka iyo dalka.

Geesta kale Gudida Anshaxa, Xalinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka ayaa sigaara ula hadlay labada Xisbi ee WADANI iyo KULMIYE, una sheegay in ay ka shaqeeyaan wanaag iyo walaaltinimo, isla markaana ay umada u tidhaan, maalmaha uga hadhay ololohoodana ay sinabad galyo ah u soo baxaan.

Gaba-gabadii waxa ay ka digeen in aanay taageerashaashu gabi ahaanba iskugu soo bixin ololaha habeenimo ee hore loo mamnuucay Lana aqbali karin Xisbi ama urur habeen olole u soo baxa.markale gudida Anshaxa oo lahadlaya masuuliyiinta koraasta dalka saraysa u tartamaya ayaa waxa ay yidhaaheen.”Ragga masuuliyiinta ah ee u soo socda kuraasta qaranka ugu saraysa, waxan leenahay ILLAHAY ka cabsada.”