Komiishanka Doorashooyinka iyo Ciidamada Qaranka oo ka Wada Hadlay Arimaha Amniga JSL

0
53

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Oog (Dawan) Gudoomiye ku xigeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Axmed Cismaan Xasan iyo Komishineer Siciid Maxamed Cismaan ayaa waxa ay booqdeen Fadhiisamada Ciidamada Qaranka JSL ee Degmada Oog, waxayna kulan la yeesheen Taliyeyaasha Ciidanka Qaranka JSL ee halkaasi ku sugan.

Dhinaca kale Waxa ay waftigu kulan la qaateen laamaha Amniga ee gobolka Saraar, halkaasi oo ay labada dhinaca ka wada hadleen sugida amniga doorashada iyo sanaaduuqda codbixinta.

Booqashada gudoomiye ku xigeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee fadhiisinka Oog ayaa diirada lagu saaray sidii Ciidanka Qaranku kaalintoodii muuqatay uga qayb qaadan lahaayeen amniga iyo ilaalinta doorashada iyo Sanaaduuqda codbixinta.

Dhankooda saraakiisha Ciidanka Qaranka ayaa soo dhaweeyay hawsha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxaanay ballan qaadeen inay kaalintoodii ka qaadanayaan doorashada iyo ilaalinta amniga guud ee dalka iyo sugida Sanaaduuqda codbixinta.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa ku hawlan sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd Doorashooyinka isku sidkan ee Madaxtooyadda iyo Urrurada siyaasadda, kuwaasi oo hadda maraya meel gebo’gabo ah, waxaanay guddida Doorashooyinka kulamo gaar gaar ah la qaadanayaan Ciidamada kala duwan ee dalka kuwaasi oo ay ka wada xaajoonayaan sidii loo adkayn lahaa amniga guud ee dalka iyo goobaha codbixinta.