Macallinkii aflagaadeeyey Nebi Muxamed ee qoorta laga gooyay oo maxkamadiisu bilaabantay

0
103

Siddeed qof ayaa maxkamad lagu soo taagay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, dilkii macallin taariikhda dhiga oo qoorta laga gooyey 6-dii Oktoobar 2020. Macallinkan oo si badheedha loogu dilay wado ku dhow Iskuulkiisa  waxa dilay Abdoullakh Anzorov, oo ahaa nin dhalinyaro ah oo asal ahaan ka soo jeeda Jejniya kaas oo isagana booliisku toogteen daqiiqado ka dib markii uu weeraray.

Macallinka Samuel Paty waxa uu fasalkii uu ku jiray u soo bandhigay Sawir kartoon lagu dhaleecanayey Nebi Maxamed(SCW) , waxaana la dilay markii uu fasalka ka soo baxay.  Maxkamadeynta Mr Paty ayaa loo hayaa laba nin oo lagu eedeeyay in ay siiyeen caawimo saadka, iyo afar kale oo taageero ku siinayay khadka internetka.

Mr Paty waxa uu ahaa bare taariikhda ka dhiga dugsi sare oo ku yaal Conflans-Sainte-Honorine, oo ku yaal xaafadaha barwaaqada galbeed ee Paris. 6dii Oktoobar 2020 waxa uu cashar ku saabsan aflagaadada Nebiga u dhigayey fasalka.

Waxa ka dhalatay  cadho weyn waxa lagu faafiyey baraha bulshada taas ayaa keentay. Si la mid ah, sanadkii 2015, wargeyska Charlie Hebdo ayaa daabacday qaar ka mid ah kartoonnada aflagaadada Nebiga, waxaana weerar lagu dilay shaqaalihii wargeyska. Dhageysiga dacwadda ayaa socon doonta illaa dhammaadka bisha December.