Xukuumadda oo Dhaam-biyood ka hirgelisay Degaanka Ijaara ee Gobolka Gabiley

0
76

Qore: Cabdiwahaab Daahir Xasan

Gabilay (Dawan) Xukuumadda Somaliland, ayaa dhaam biyood ka hirgelisay degaanka Ijaara ee degmada Gabiley.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Hormarinta biyaha Somaliland Marwo Nafiisa Maxamuud Shirwac, ayaa xadhiga sirasmiya uga jartay, waxaaney sheegtay in biyuhu kaalin mugle kaga jiraan nolosha bulshada.

Munaasibadii loo sameeyay xadhig ka jarka Dhaam-biyoodkan waxa ka soo qaybgalay Maayerka degmada Gabiley, xildhibaan, mudan iyo marti sharaf kale, waxaaney dhammaantood soo dhaweeyeen hirgelinta Dhaam-biyoodkan iyaga oo xukuumadda uga mahadceliyay.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Khayraadka biyaha Somaliland Marwo Nafiisa, waxa ay sheegtay in wasaradda biyuhu qaranka ugu xilsaaran tahay biyaha dalka oo dhan, soo saaridooda, horumarintooda iyo dib u babayntooda.

Dhanka kale waxa ay xustay in wasarada biyuhu iyadoo fulinaysa siyaasada Madaxwaynaha, iyo balanqaadyadii ku xusnaa barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye iyo balan qaadyadii xukuumada waxay diyaar u tahay in ay ka jawaabto baahiyaha dhinaca biyaha ee dhamaan gobolada Somaliland, kawarad haana waxa ay masuliyad naga saran tahay sidi bulshadu loogu soo saarilahaa biyo nadiif ah oo ku filan, dhaamkan aanu maanta xadhiga ka jarayno ee deeganka ijaara hirgalintiisa waxa iska leh wasaarada khayraadka biyaha Somaliland.

Gaba-gabdii gaasimaha ayaa ddka deegaanka ijaaara ee dhaamka loo hirgalay waxa ay kula dardaarantay in ay dhaam biyoodkaa ilaashadaan isla markaana masuuliyad iska saaraan daryeelka dhaambiyoodkan sidoo kalena ay wasaaradu ku kormeerayso.