Wasiirka Maaliyadda oo Berbera Kulan Kula Yeeshay Masuuliyiin kala Duwan

0
82

Qore Khaddar Cabdi Muuse

Berbera (Dawan): Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo ay wehelinayeen masuuliyiin kale ayaa shalay kormeer ku tegay meel kala duwan oo xarumo dawladeed oo kuyaalla magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Wasiirka Maaliyadda oo uu wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradaasi iyo sidoo kale agaasimaha waaxda Kastmadda ee wasaaradda Maaliyadda, iyo guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland ayaa kormeer ku tegay magaaladda Berbera, isagoona kulamo la yeeshay masuuliyiin kala duwan.

Waxaanay wasiirka iyo masuuliyiinta kale kulan la qaateen maamulka kastamka Berbera, iyo sidoo kale masuuliyiinta ugu saraysa shirkadda Dp World.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Saaxil, iyo maamuleyaasha baananka gaarka loo leeyahay ee ku yaalla magaaladda Berbera, waxaana kulankani lagaga wada hadlayay sidii la iskula meel dhigi lahaa sarifka lacagaha Somaliland.

Sidoo kale waxaa kulankaasi lagaga wada hadlay lacagaha ay dekadu ka qaado dadka ganacsatadda ah ee magaaladda Berbera.

Masuuliyiintani ayaa warbixino ka dhegaystay maamulka iyo masuuliyiinta ka socday shirkadaha DP World, iyo sidoo kale baananka gaarka loo leeyahay ee ku yaalla magaaladda Berbera, oo ay ka mid yihiin Dahab Shiil Banka, iyo Daarasalaam Bank.

Waxaa kaloo iyagna kulankaasi qayb ka ahaa isuku-duwaha wasaaradda ganacsiga ee gobolka Saaxil, iyo masuuliyiin kale oo ka socday laamaha haayadaha dawladda ee Somaliland.

Wasiirka Maaliyadda jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, ayaa sheegay in la isla meel dhigay sidii loo xakamayn lahaa sarifka lacagaha shillinka ee dalkan jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu ganacsatadda iyo maamulka shirkadda DP World iyo maamulka dekadda Berbera u sheegay in loo hogaansamo qawaaniinta ka soo baxda wasaaradda maaliyadda, iyo baanka dhexe ee jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu tilmaamay in ay dawladu mar kastaba ka war haynayso heerka sarifka lacagaha dalka, kaasoo bilihii ina dhaafay uu qiimuhu marba isbedel ku imanayay.

Waxaanu wasiirka Maaliyadu sheegay xal waara laga gaadhi doono sarifka lacagaha dalka, isla markaana ay ganacsatadda iyo sidoo kale maamulka dekadda Berbera ay ilaalin doonaan sarifka lacagaha ee la isla qaatay.

Geesta kale wasiirka Maaliyadda oo ay wehelinayeen masuuliyintani kale waxay booqdeen xafiisyo cusub oo ay wasaaradda horumarinta Maaliyadu ka furatay magaaladda Berbera, oo uu ka mid yahay xafiiska socdaalka ee gobolka Saaxil.