Xikmadaha Maanta

0
85
  • Dadka oo laga ilaaliyo dareenkooda waxa dhibaya kama Liidato oo kama hoosayso, Adigoo ka leexiya ama ka qaada wadada ay marayaan shay dhibaataynaya!..
    Qofka walaalkaa ah dhibaatada haysta hadii aanad la qaybsan karin waxaad ugu deeqdaa malo wanaagsan!.
  • Kuwii dhibaatada ka cabanayay Markii ay istageen ee ay ku dhawaaqeen โ€œwaanu gaajoonayna?โ€, Kii sawir qaaduhu waxa uu bilaabay inuu markiiba sawir ka qaado. Kii Abwaanka ahaana wuxu ka Alifay (curiyay) Gabay, Qoraagiina wuxu ka fekerayay waxa sabab u ah gaajada haysata. Laakiin islaan daโ€™ ah ayaa iyadu markiiba siisay dadkii gaajoonayay waxooga roodhi ah, taasi oo bixisay jawaabtii saxda ahayd oo dabooshay baahidii haysay dadkan. Marar badan waxa aynu ku mashquula arrintii jirtay mid aan dawadeeda ahayn.
  • Cali Binu Abud-dalin ayaa yidhi โ€œ Haddii aad aragto culimada oo albaabada boqorada taagan , waa culimo xun, haddii aad aragto boqorada oo albaabada culimada taagana waa Boqoro wanaagsan iyo culimo wanaagsan.