Xukuumadda JSL oo Hambalyo u Dirtay Madaxwaynaha Cusub ee Maraykanka

0
74

Qore Boqore Axmed Cabdi

Hargeysa (Dawan) Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u hambalyeysay madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Mudane Donald Trump. War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland, ayaa lagu sheegay in Somaliland ay hambalyo diiran u direyso madaxweynah la doortay ee Maraykanka Donald Trump guusha uu ka gaaray dooarshada .

“Waxaanu rajaynaynaa xoojinta xidhiidhka istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka ee hogaamintiisa” ayaa qoaraalka lagu sheegay.

Geesta kale wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Mudane Ciise Kayd Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley masuuliyiinta safaaradaha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Hargeysa ee caasimadda JSL.

Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd ka go’naanqadashada dawladda ee qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhaca.

Wasiirka arrimaha dibedu waxa uu diblomaasiyiinta caalamka ee fadhigoodu yahay Hargaysa uga warramay colaadaha laga hurinayo deegaannada Qorilugud iyo Buuhoodle ee ay taageerayaan maamulka Muqdisho iyo kooxda argagixisada ah ee Alshabaab ee ka hawl gala meelo ka mid ah deegaannada Buuhoodle.