Madaxweynaha oo Salaadii Jimcaha la Tukaday Shacbiga Gabiley

0
61

Gabiley (Dawan) Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa salaadii Jimce la tukaday bulshada gobolka Gabiley, halkaasi oo uu boqolaal shacabka ah kula oogay Jalaada jimce Majid Jaamaca Gabiley.

Madaxwaynaha Somalland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ku sugnaa Gabiley tan iyo galinkii  danbey ee shalay (doraad) oo si wayn ay u soo dhaweeyeen bulshada Kallabaydh iyo Gabiley, madaxwaynaha oo ka qayb galay isu soo baxa Kulmiye ee Boorama oo ay bulshadu muujiyeen taageerada ay u hayaan madaxwaynaha iyo xisbiga Kulmiye.

Madaxwaynaha Somaliand mudne Muuse Biixi Cabdi ayaa habeenkii xalay u hoyday magaalada Gabiley halkaasi oo ay bulshadu ku qaabileen jawi degan iyo soo dhawayn diiran oo ay u sameeyeen, kadib markii ay magaalada ka sameeyeen isu soo bax ay ku taageerayaan ololaha Kulmiye iyo madaxwaynaha.

Lama hubo in madaxawaynaha Somaliland u hoyan doono Gabiley caawa iyo in kale balse waxa uu kulmo la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada sida madaxda dhaqanka, aqoonyahanka iyo dhalinyarada, waxaanu kala hadlay sidii ay ugu codayn lahaayeen una soo saari lahaayeen xisbiga Kulmiye, doorashadana si nabad ah ay ugu gali lahaayeen.