Qaybtii 2aad
Maxaa Dhacaya Haddii Aan Waxba Laga Qaban Isbadalka Cimilada?
Khubaradu waxay rumaysan yihiin in haddii aan tallaabo deg deg ah loo qaadin wax ka qabashada isbeddelka cimilada, dunida ay wajahdo dhibaatooyin halis ah oo saameyn weyn ku yeesha nolosha, dhaqaalaha, iyo deegaanka. Heerkulka dhulka ayaa si joogto ah kor ugu kici kara, taasoo keenta dhalaalidda barafka ceegaaga cidhifyada aduunka, badda oo masaafo ahaan korodha,, iyo dalal iyo magaalooyin xeebaha ku yaalla ama jaziirado ah oo halis ugu jira inay baddu ka dul marto. Waxaa sidoo kale la filayaa in abaaro iyo fatahaado ay sii kordhaan, iyadoo wadamada saboolka ah, sida ay si gaar ah ugu nugul yihiin masiibooyinkan dabiiciga ah.
Saameyntu waxay gaadhi kartaa xoolaha, dhirta, iyo beeraha, iyadoo wax-soo saarka dalagyada uu si weyn u hoos u dhici karo, dalalka ayaa awood u yeelan kari waaya inay soo saaraan cunto ku filan, taas oo dhalinaysa cunno-yari iyo korodhka sicirka cuntada. Dhibaatooyinkaasi waxay sababi karaan barakac iyo muran ka dhasha khayraadka sida biyaha iyo dhul beereedka, gaar ahaan marka khayraadkaasi yaraadaan. Tani oo si wayn u hurin karta colaado iyo dagaalo ka dhex dhaca badan bini’aadanka.
Waxaa laga cabsanayaa in haddii tallaabooyin lagama maar maanka ah aan la qaadin, isbeddelka cimilada uu gaadhi karo heer aan laga soo noqon karin, taas oo sababi karta burbur dhaqaale, deegaameed, iyo mid bulsho oo aan hore loo arag. Shirarka caalamiga ah ee cimilada sida COP, ayaa isku dayaya inay dawladaha caalamka ku qanciyaan muhiimadda tallaabooyinka deg dega ah ee lagama maar maanka ah si loo xakameeyo xaaladda ka sii daraysa.
Xal u Raadinta Isbeddelka Cimilada
Waxaa jira dadaallo caalami ah oo loogu tala galay in xal waara loo helo isbeddelka cimilada. Dadaalladan waxaa ka mid ah heshiisyada caalamiga ah sida Heshiiskii Paris, oo waddamadii ka qayb galay ay ku heshiiyeen in la yareeyo sii deynta gaasaska hawada lagu sii daayo (Greenhouse gases) iyo in la horumariyo tamarta nadiifka ah. Heshiisyada noocan oo kale ah waxay sidoo kale ka hadlaan sidii loo dhisi lahaa adkeysiga bulshooyinka nugul iyo sidii dhaqaalaha loo bixin lahaa si loogu taageero waddamada saboolka ah si ay ula qabsadaan Isbadalka cimilada.
Waxaa kale oo jira isku dayo lagu hormarinayo tiknoolojiyada tamarta nadiifka ah sida tamarta qoraxda iyo dabaysha, kuwaas oo yareynaya baahida loo qabo shidaalka fosilka ah ee keena wasakhawga hawada. Wadamada qaar waxay qaadeen tallaabooyin gudaha ah oo lagu yareynayo sii deynta gaaska iyadoo la adeegsanayo shuruuc adag oo lagu xakameynayo warshadaha iyo isticmaalka shidaalka.
Khilaafaadka iyo Doodaha Ku Saabsan Isbeddelka Cimilada
Mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee xal u raadinta isbeddelka cimilada waa khilaafka siyaasadeed ee ka dhexeeya dawladaha. Wadamada hodanka ah sida Maraykanka iyo kuwa Yurub, waxay qayb weyn ku leeyihiin sii daynta gaaska hawada wasakheeya ee keenay Isbadalka cimilo, halka wadamada saboolka ah ee soo korayaa ay ku doodaan in iyagu aanay masuul ka ahayn dhibaatada, balse ay yihiin kuwa ugu badan ee dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada la kulma.
Waddamada saboolka ah waxay codsanayaan in waddamada hodanka ah ay qaataan masuuliyad buuxda ayna bixiyaan dhaqaale badan oo loogu tala galay wax ka qabashada cawaaqibta isbeddelka. Cadadka lacagaha ay bixin karaan dalalka horumaray ayaa ah arrin had iyo jeer doodi ka taagan tahay, iyadoo shirka Isbadalka Cimilada ee sanadkan 2024-ka oo ka dhacaya Baku, Azerbaijan maalmo ka mid ah laga doodi doono arrimaha dhaqaalaha ee Isbadalka Cimilada (Climate Finance).
Heshiisyo caalami ah sida heshiiskii Paris ee 201ka, ayaa isku dayay in la mideeyo dedaallada caalamiga ah, iyadoo waddamada ka qayb galay ay ku heshiiyeen in la yareeyo sii daynta gaasaska hawada wasakheeya ee loo yaqaano Greenhouse gases, si loo yareeyo heer kulka adduunka. Si kastaba ha ahaatee, waddamo badan oo warshadoodu ama dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay shidaalka ayaa weli ka caga jiidaya fulinta ballan qaadyadooda, taasoo keentay in is-faham la’aan weyni ay jirto.
Shirarkii COP iyo Kaalintooda
Shirarka COP waa fagaare caalami ah oo dawladaha iyo daneeyayaasha kale ay kaga wada hadlaan sidii loo heli lahaa xalal waara oo lagu la tacaalayo isbeddelka cimilada. Shirarkan, oo sanadle ah waxay fursad u siiyaan in waddamada ay isla meel dhigaan qorshayaal iyo heshiisyo la xidhiidha cimilada, taas oo kor u qaadaysa wada shaqeynta caalamiga ah. Shirkii COP21 ee Paris, lagu qabtay sanadkii 2015-kii, ayaa noqday mid taariikhi ah, iyadoo la isku raacay qorshe la hiigsanayo oo lagu yaraynayo sii-deynta gaasaska hawada .
Shirar kale sida COP26 iyo COP28 oo sanadkii hore dhacay ayaa sidoo kale diiradda saaray sidii loo sii adkayn lahaa fulinta arrintaasi. Shirarkan caalamiga ah ayaa waxaa ka qayb gala dawladaha caalamka, ururrada aan dawliga ahayn, iyo ganacsiyada waaweyn, kuwaas oo dhammaantood isku dayaya in ay isku waafaqaan tallaabooyin caalami ah oo lagu xakameynayo isbeddelka cimilada.
Ugu dambayntii, Isbeddelka cimiladu waa caqabad caalami ah oo u baahan tallaabooyin deg deg ah. Haddii aan la qaadin tallaabooyin waaweyn, waxa uu si weyn u saamayn doonaa aadanaha iyo noolaha kale ee dunida. Waxaa lagama maar maan ah in la xoojiyo heshiisyada caalamiga ah iyo dadaallada gudaha si loo yareeyo saamaynta isbeddelkan oo si ba’an u sii kordhaya. Taasi waa dariiqa kaliya ee lagu heli karo mustaqbal cimilo deggan oo nolosha aadanaha iyo noolaha kale ba la bad-baadiyo.
Source: Green media initiative-GMI.
La soco………