Goob-joogayaasha Caalamiga ah oo Doorashadii JSL ee 13 November ku Tilmaamay Mid Daahfuran

0
96

Hargeysa (Dawan)- Goob joogayaashii Caalamiga ahaa ee kor joogteynaayey Doorashooyinka dalka ka Qabsoomey 13 kii Novembar 2024 ka, ayaa soo bandhigay warbixin la xidhiidha hannaankii ay u dhacday doorashadu iyo waxyaabihii ay arkeen.

Goob joogayaashaasha Caalamiga ah oo ka tirsanaa kooxda Brenthrust Foundation isla markaana ka kala socday in ka badan 12 Dal ayaa bogaadin iyo hambalyo u diray masuuliyiinta iyo shacbi weynaha jamhuuriyadda Somalilan habkii iyo hannaankii ay u qabsoomeen Doorashooyinkii isku sidkanaa ee madxweynah iyo ku xigeenkiisa iyo urruradda iyo axsaabta Siyaasadda.

Goobjoogayaashan oo sheegay inay kormeer ku sameeyeen 635 goobood oo ku kala yaalla magaalooyiinka Hargeysa, Berbera, Boorama iyo Burco ayaa warbixintooda ku tilmaamay in doorashadii dalka ka qabsoontay u dhacday si nabadgalyo ah, cadaalad ah isla markaana ahayd mid laysku hallayn karo.

Goobjoogayaasha ayaa sidoo kale ku hablayeeyay dalka iyo dadka reer Somaliland iyada oo aan la aqoonsanayn ay u qabsadeen doorashooyin aanay jirin cid dhaqaale ahaan ka caawisay, taasoo ku adag inay qabsaan dalal badan oo la aqoonsan yahay.

Kooxdan goobjoogayaasha Brenthurst foundation oo uu hoggaaminayo raysal wasaarihii hore ee Boqortooyada Lesotho haddana loo yaqaanno Swatini Mr. Moketeesi Majoro ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay ula khushuuceen sida ay dadka reer Somaliland ugu bislaadeen hannaanka doorashooyinka DImuqraadiga ah iyaga oo geesta kalena tilmaamay Somaliland tahay dalkii ugu horreeyay caalamka ee adeegsada hannaanka sawirka bu’da Isha si loo xakameeyo in aanay dadku codayn hal mar wax ka badan.