Dawladda Itoobiya oo Ammaantay Doorashooyinka Xorta ah ee ka Qabsoomay Dalka Somaliland

0
92

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya, ayaa bogaadisay doorashooyinkii isku sidkanaa ee madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda ee ka qabsoontay Jamhuuriyadda Somaliland 13-kii November 2024 oo u qabsoomay hannaan xor iyo xalaal ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa bogaadisay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee qabsaday doorashooyinka u dhacay sida nabadgelyada iyo Dimuqraaddiyadda ah.

Waxa kaloo wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya, ay ammaantay Guddida doorashooyinka Somaliland ee agaasimay doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah.

Siday werisay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxa dawladda Itoobiya sheegtay in doorashooyinkani ay ka turjumayaan qaan-gasdhnimada Somaliland iyo nidaamkeeda dimuqraaddiyadda.