Kulliyada Tababarka Macalimiinta oo ay ka Qalinjabiyeen Dufcadii ugu Horreysay ee Degraa ah

0
82

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL ayaa xaflad qalin-jabina u qabatay dufcadii ugu horaysay ee Degree ah, kuwaasi oo ka baxay kulliyada tababarka macalimiinta ee Hargaysa.

Munaasibadan qalin-jabinta ah ayaa waxa kasoo qayb galay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska JSL oo ay weheliyaan wasiir ku xigeenka, gudoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, gudoomiyaha iyo ku xigeenka xafiiska imtixaanaadka qaranka, gudoomiyaha waxbarashada degmada Hargaysa, qaar ka mida agaasime waaxeeda wasaarada waxbarashada, guddoomiyaha kulliyada tababarka macalimiinta mudan iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha Kulliyadda tababarka Macalimiinta Rooda Cali Axmed ayaa faahfaahisay maraaxilkii kala duwanaa ee ay martay kulliyadda tababarka macalimiinta iyo sidii ay ku timi in la aasaaso, waxaanay xustay in kulliyadda loo furay in macalimiin loo tababaro ardayda Dugsiga sare ku jirta isla markaasina la siiyo laba sanadood oo macalinimo ah, sidoo kale waxay ay sheegtay in muhimada ay ka mid thaya in kor loo qaado tayada macalimiinta wax ka dhiga Dugsiyada fursad waxbarashona ay helaan.

Munaasibadan ay ku qalin jabinayeen macalimiin tiro badan ayaa waxa madasha qalin jabinta ka hadley masuuliyiin kala duwan oo isugu jira Xildhibaano, gudoomiyaha Imtixaanaadka, xubno ka mid ah wasaaradda Waxbarashada kuwaasi oo dhamaantood bogaadiyay macalimiinta halganka u soo galay waxbarashada una dhabar adaygay sidii ay ku dhamaysan lahaayeen heerka koowaad ee waxbarashada.

Geesta kale masuuliyiinta ayaa ku hambalyeeyay maamulka kulliyadda tababarka macalimiinta kaalinta ay kaga jiraan kor u qaadista waxbarashada macalimiinta iyo tayayntooda iyo sidii loo heli lahaa macalin ku qalabaysan aqoon iyo karti.

Gebo’gabadii waxa munaasibada qalin jabinta macalimiinta soo gunaanaday wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Aadan Camash Buuxane waxaanu bogaadiyay macalimiinta soo afmeeray waxbarashada heerka koowaad iyaga oo shaqooyinkoodii wata, dhinaca kale waxa uu Madaxwaynaha la doortay u soo jeediyay inuu kulliyadda tababarka halkaasi ka sii wado waxaanu yidhi

“Runtii Kulliyaan waanu ku han waynahay waxaanan ILLAAHAY ka rajaynaynaa inay noqoto Kulliyad taariikhda inoo gasha, labadii jeer ee la furayay ba waan la joogay madaxwaynaha Jamhuuriyadda Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaanan rajaynayaa ILLAAHAY idankii madaxwaynaha cusub Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro inuu halkaasi ka sii bilaabo oo uu isaguna sii xoojiyo kulliyada ilaalinteeda iyo siyaasada aanu u dejinay ee ah in markay ugu yar tahay shanta lod ee ugu horeeyaa dhamaan ay noqdaan Haween, si mustaqbalka ubadkeenu deg deg ugu soo koro oo ay la wareegaan macalimiinta Haweenka ah kor ugu soo qaadn”.