Cisbitaalka Hargaysa oo lagu soo Kordhiyay Xafiiska Kaydinta Xogta

0
49

Qore: Khadar M.Xaashi
Hargaysa (Dawan) Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Hargaysa Dr. Cabdiraxaam Maxamed Cismaan ayaa xadhiga ka jaray xafiiska kydinta xogta ee cisbitaalka Hargaysa yeelan doono, kaasi oo qaban doona shaqooyin muhiim u ah Cisbitaal.
Munaasibada kooban oo lagu qabtay Cisbitaalka Hargaysa ayaa waxa ka soo qayb galay shaqaalaha iyo hawl wadeenada Cisbitaalka waxaana lagu daahfuay xafiiskan oo baahi badan uu Cisbitaalku u qabay.
Taariikhda Markii ugu horaysay Waxaanu Hargeisa Group Hospital laga daahdurnay xafiiska keydinta Xogta ee uu yeelan doono Cusbitaalka Hargaysi, taasi oo wax badan ka badeli doonta hannaanka xog kaydineed ee Cisbitaalka.
Xafiiskan ayaa keydin doona Xogta bukaanka, xogaha xisaabeedka Cisbitaalka, heshiisyada Cisbitaalku galay, cilmibaadhisyada cisbitaalka laga sameeyay, Mashaariicda Cisbitaalka ka socda iyo Sharciyada caafimaadka ee Cisbitaalku ka shaqeeyo.
Xafiiskani Waxaa lagu kaydin doonaa Dhamaan Xogaha Muhiimka ah ee Cisbitaalku yeelan doono, Mustaqbalka dhawna waxaa loo bedeli doonaa Digital.
Mudooyinkii u danbeeyay Cisbitaalka Hargaysa wax aka socda dhaq-dhaqaaq horumarineed kaasi oo lagu tayaynayo adeegyada iyo xafiisyada Cisbitaalka, si bulshada loogu shaqaynayo ay u helaan adeegyo hufan oo ay ku qancaan.
Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Hargaysa Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan ayaa soo kordhiyay adeegyo iyo xafiisyo lagu tayaynayo shaqada Cisbitaalka guud ee Hargaysa si bulshada looga haqabtiro adeegyada caafimaad ee ay u soo doontaan Cisbitaalka.