Guddoomiyaha Sariflayaasha JSL oo ka Warbixyey Xaalada Sarifka

0
121

Qore: Cabdiwahaab Daahir Xasan

Hargaysa (Dawan):- Guddoomiyaha Sariflayaasha Somaliland Abokor Cabdi Cawaale oo warfidiyeenka la hadalay ayaa ka waramay suuqa safirka ee magaalada Hargeysa, waxaana uu sheegay in maalmaha soo socda ay rajaynayaan in sicirka isku bedalka lacaguhu uu hoos u dhaco.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in halkii sarifku markii hore taagnaa uu hoos uga dhacay haatana uu hoos u siisocdo, isla markaana uu meel wanaagsan marayo wakhti xaadirkan.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in sariflayaashu inta badan ku shaqeeyaan sicirka uu Baanka Somaliland soo saaro wallow mararka qaar ay yara kala duwanaadaam Sarika suuqa iyo ka baanku soo saaro.

Geesta kale waxa uu tilmaamay in ay rajaynayaan in shilinka Somaliland ay tayadiisu wanaagsanaan doonto, waxa kale oo uu gudoomiyaha sariflayaashu hoosta ka xariiqay in umad waliba ku faanto lacagaha ay gaarka u leedahay, waxaana uu tilmaamay in sariflayaasha iyo hayadaha dawlada ay wadashaqayn wanaagsani ka dhaxayso gaar ahaan baanka Jamhuuriyada Somaliland.

Gabagabadii waxa uu hambalyo u diray madaxwayanaha la doortay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo ku xigeenkiisa Danjire Maxamed Cali Aw Cabdi, sidoo kale waxa uu bogaadiyey Madaxwayanaha xilka ka sii dagaya Muuse Biixi Cabdi .