Madaxdhaqameed ugu Baaqay Dowlada in Sharciga la Horkeeno Cid Kasta oo Falal Amni-darro ah ka Geystay Ceerigaabo

0
76

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Qaar ka mid ah madax dhaqmeedka Somaliland oo baaq nabadeed u diray bulshada walaalaha ah ee ku dhaqan magaalada Ceerigaabo.

Madax-dhaqameedkan ayaa kala ahaa suldaan Axmed Cismaan Cadde-gude, Suldaan Cabdiraxmaan Laangadhe Aw Good, waxaa ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin shaqaaqada ka soo cusboonaatay magaalada Ceerigaaboe e xarunta gobolka Sanaag.

Sidoo kale waxay wax laga xumaado ku tilmaameen in dhiig Islaam lagu daadiyo gudaha magaalada, waxaaney intaas ku dareen in aanay ahayn wax Islaamnimada iyo ehelnimada u wanaagsan, cidkasta oo sameysayna aanay ku raacsaneyn waxaaney caddeeyeen in dadka ay waayeelka iyo madax-dhaqameedka u yihiin aanay kula socon xumaankasta oo ay sameeyaan, waxa ay hoosta ka xariiqeen in ay jecel yihiin sikasta oo wax looga qaban karo.

Geesta kale Madax-dhaqameedkani waxa ay soo jeediyeen in meel looga soowada jeesto sidii nabadgelyo waarta looga dhalinlaha magaalada Ceerigaabo, xal waarana loogu helilahaa shaqaaqooyinka soo noq-noqday, waxaa ay intaas ku dareen in ay haboon tahay in la isugu tago in nabadgelyo lagu soo dabaalo magaalada, isla markaana wixii dhankooda ku xidhana ay diyaar u yihiin, waxaaney madax-dhaqameedka beelaha dega degmada Ceerigaabo ugu baaqeen inay fadhiga ka kacaan, kana hawlgalaan sidii meel loogu hubsanlaha nabadgelyada ay Somaliland ku caano-maashay.

Dhanka kale waxa ay dowlada Somaliland ku baraarujiyeen inay xil iska saarto ilaalinta, nabadgelyada, nafta iyo maalka bulshada gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo, waxa ay tilmaameen in aanu damiirka bini’aadanku aqbali karin in dad Muslimiin ah aayar uun xabad leyskaga dhufto.

Gaba-gabadii guddidu waxa ay dowlada fartay inay soo qabtaan cidkasta oo qof si macnadarro ah xabad ugu dhuftay cidda uu doono haka soojeede, waxaaney ku adkeeyeen in sharciga la horgeeyo isla markaana tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado.

Guddidu waxa ay cidkasta oo wax tabaneysa haddii ay tahay kuwa ay wax ka dhinteen iyo kuwa aanay ka dhimanba ka codsadeen in arrinta la isku soo gaadho, waxa ay ku wargeliyeen in walaalnimo, ehelnimo iyo islaamnimo la isugu yimaado iyada oo aan la kala jecleysaneyn.