New Zealand: In ka Badan 30 Nibiri oo u soo baxay xeebta Ayaa lagu Celiyey Badda

0
93

Koox Nibri ah ka badan 30 nibiri ayaa la badbaadiyay ka dib markii ay ku go’doomeen xeebta Ruakākā ee u dhow Whangarei ee waqooyiga New Zealand Axadii, sida ay saraakiishu sheegeen. Waaxda ilaalinta (DOC) ayaa sheegtay in intooda badan dib loo celiyey biyaha ka dibna ay dabaasheen, balse saddex waaweyn iyo weyl yar ayaa dhintay. Ma jirin wax kale oo dib u soo baxay intii dib loo celiyey.

Dadaalka samatabixinta waxaa hormuud ka ahaa kooxda deegaanka ee Māori, Patuharakeke, oo ay ku biireen maamulka iyo xubno kale oo shacab ah.

Dhacdadan in Whale-ka ama Nibrigu uu badda ka soo baxo waa dhacdo dabiici ah oo aan la sharraxin, iyada oo New Zealand ay haysato mid ka mid ah heerarka ugu sarreeya adduunka ee dhacdada.

Nibiriyada ayaa dib u dabaashay markii biyaha dib loogu celiyey ka dib markii biyaha xeebta ee yar ay ku dabaalan kari waayeen, waxa la adeegsaday xadhko iyo go’yaal waa weyn si loo gaadhsiiyo biyaha

Patuharakeke waxay ku hadhay xeebta habeenkii oo dhan si ay u hubiso in nibiriyada la badbaadiyay midkoodna aanu dib u xayirmin.

DOC – oo mas’uul ka ah maaraynta samatabbixinta badda ee xayawaanka go’dooma – ayaa ugu yeedhay dadaalka samatabbixinta “wax cajiib ah, iyada oo qof walba uu si iskii ah uga qayb qaatay badbaadinta”.

“Waa wax lala yaabo in la arko daryeelka dhabta ah iyo naxariista ay dadku u muujiyeen xayawaankan quruxda badan,” maamulaha hawlgallada ee waaxda Joel Lauterbach ayaa yidhi.

Waxa uu sidoo kale u mahadceliyey dhammaan dhinacyada ka qayb qaatay oo ay ka mid yihiin Patuharakeke iyo Project Jonah, oo gargaar siiya naasleyda badda ee ku xayiran, iyo “boqolaal ka tirsan dadweynaha oo ilaa hadda caawiyay”.

Dhacdadan nibiriga iyo dolphin-ka ayaa ku badan dalka. DOC waxay ka jawaabtaa qiyaastii 85 dhacdo sanadkiiba celcelis ahaan, inta badan waxay ka kooban tahay hal xayawaan.