KHUDBADDII U DAMBAYSAY EE MADAXWEYNE CIGAAL

0
85

“Aftidii Dastuurka, Nidaamka Dimuqraadiga ah iyo Dhisidda Qarannimada”

Bismilaahi Raxmaani Raxiim. Taxanahan taariikheed oo haddii Alle aqbalo ka koobnaan doona saddex majaladood iyo ka badan, oo waliba laga yaabo in uu sii socdo inta ay Somaliland jirtoba..ayaa waxa uu daaran yahay sidii da’yarteenna loogu barbaarin lahaa jacayl waddaniyadeed; loona sii xoojin lahaa qiyamkeenna siyaasadeed iyo wadajirkeenna bulsho.

 

Waxa jira saddex qodob oo xusuus mudan oo ku jiray khudbaddii u dambaysay ee Madaxweyne Maxamed X.Ibraahim Cigaal—Alle ha u Naxariisto’e—uu ka jeediyey fagaarihii khayriyada Hargaysa 18-May-2001-dii, oo aan ka soo dhambalay buugga dhito iyo dhigaal. Saddexdaas qodob ayaana kala ahaa: Aftidii Dastuurka loo qaaday, Nidaamka Dimuqraadiga ah ee aynnu qaadannay iyo dhisidda qarannimada. Waxa aynnu ku horrayn doonnaa Aftida Dastuurka, si aynnu xog-ogaal ugu noqonno marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Dastuurka JSL.

 

Aftidii Dastuurka Loo Qaaday iyo Marxaladihii uu Soo Maray:

 

Madaxweynuhu isaga oo ka warramaya aftidii dastuurka loo qaaday iyo marxaladihii uu soo maray waxa uu ku bilaabay sidatan soo socota:

 

“Ma aanan fahmin dadka aftida diiddani waxay uga jeedaan diidmadaa! Ma aha aftidu arrin annaga iyo dawladda maanta dhisani ay soo saartay ama ay soo bilawday. Waxay ku sinayd 1991-kii shirkii Burco lagu qabtay ee go’aamiyey, inay Somaliland la soo noqoto madaxbanaanideedii iyo qaranimadeedii. Shirkaas ayaa waxa qaraaradii lagu qaatay ku jiray, in muddo laba sanadood ah ay jabhaddii SNM xukunka dalka hayso; xukuumad balaadhan oo loo dhanyahayna ay abuurto. Labadaa sanno dhexdoodana ay Dastuur ugu samayso Jamhuuriyadda Somaliland ee la abuuray. Ma ay suuro galin labadii sanno in Dastuur la sameeyo.

 

Markaas ayaa shirkii Boorama dawladdii lagu soo dhisay ayaa loo xilsaaray inay Dastuur Qaranka…ayada iyo labada Gole ee Qaranka ee kala ah Wakiilada iyo Guurtidu inay muddo laba sanadood ah oo kale ay ku soo sameeyaan Dastuur, iyaga oo mudadaas ku shaqayn doona Axdi Qaran oo lagu dajiyey Boorama. Ayadoo hawshii dajinta Dastuurka la bilaabay, haddana labadii sanno ee loo qabtay way ku dhammaan wayday; waxana loo baahday inay Goleyaashu muddadii kordhiyaan.

 

Aakhirkii 1997-kii ayaa shir beeleed kale Goleyaashu u yeedheen, oo Hargaysa lagu qabtay. Shirkaas ayaa la hordhigay Dastuur ay Goleyaashu habeeyeen, dood dheer kadib ayaa shir beeleedkii aqbalay Dastuurkii—mabda’iyan u aqbalay—asagoo Goleyaasha faraya inay dib u eegaan oo wixii laaxin ah ee ku jirana ay ka saaraan; wixii ka maqan ee loo baahan yahayna ay ku daraan. Goleyaashu ayaga oo hawl dheer ka galay sifaynta iyo saxar saarinta Dastuurka, hadda ayay asagoo dhammaystiran u diyaargaroobeen in shacbi weynaha Somaliland la hordhigo oo ay ama yeelaan ama diidaan.

 

Ma aha wax la isku khasbayo, Dastuurku idinkuu idiin Dastuur yahay. Dal iyo Qaran toona (midkoodna), ma jiri karo asagoon Dastuur lahayn. Dastuurna ma dhaqan gali karo—hadda i maqla—ilaa shacbiga uu Dastuur u yahay ansixiyo oo uu Dastuur ka dhigto. Guudka la idinkama saari karo wax aydaan ogolayn, waxa idinku aad Dastuur ka dhigataan ayaa Dastuur idiin noqon kara. Markaa, haddaan Dastuur la’aan Qaran jiri karin, Dastuurna aanu Dastuur noqon karin ilaa shacbigiisu…Shacbigiisa oo idinka ah—kiina xaggan jooga, ka Burco jooga, ka Laascaanood jooga, ka Boorama jooga—ilaa aad Dastuur ka dhigataan…Markaa iima muuqato aniga wax caqli ah oo maanta la isku hortaagi karo aftida loo qaadayo Dastuurka ee shacbigeenna lagu warsanayo, inay ama aqbalaan ama diidaan. Dastuurka dhexdiisa ayey ku caddahay afti-qaadka iyo natiijada afti-qaadku waxay noqoto wixii laga yeelayo—haddii dadku diido waxa laga yeelayo, haddii la aqbalo waxa la yeelayo. Taas, Dastuurka laftiisa ayey ku caddahay oo raggii soo sameeyay ay ku soo caddeeyeen.

 

Nidaamka Dimuqraadiga Ah Ee Aynu Qaadannay Iyo Sida Uu u Hirgali Karo:

 

Madaxweynuhu—Alle ha u naxariisto’e—isaga oo ka warramaya nidaamka aynu qaadannay ee dimuqraadiga iyo sida uu u hirgali karo waxa uu yidhi:

 

“Waxaynu dalkeenna ku dhisaynaa nidaamka la yidhaahdo Dimuqraadi, kaas oo caalamku isku raacsan yahay inuu yahay, nidaamka qudha ee dadka qaataa xorriyad taam ah iyo ismaamul taam ah uu ku noolaan karo. Wuxuu haddaba u baahanyahay nidaamkaasi, in la barto sida loogu dhaqmo, oo aan xorriyadda uu balan qaadayo si xun loogu dhaqmin (si xun loo isticmaalin). Kuwa Xukuumadda hayaana, aanay awoodda loo dhiibay ku talax tegin oo xadka Dastuurka iyo sharcigu u xadeeyeen aanay dhaafin—siday diktaatooriyaddii Siyaad Barre u dhaaftay.

 

Taa sida qudha ee lagu gaadhi karaa waxay tahay: in la helo shacbi feejigan oo xaqiisana yaqaanna; xurmada xeerkiisana yaqaanna. Xeerku ma aha Xeer; waxna ma xukumi karo; faa’iidana ma yeelan karo, haddii dadka Xeerkaa dhigtay aanay xurmaynin. Waynu xurmayn jirnay Xeerkii qabaa’ilku ay dhigan jireen—inanta la kala kufsadaa intaasay ahayd, ninka la kala dilaa intaasuu ahaa, neefka la kala dhacaa intaasuu ahaa—waxaasaynu ku noolayn, oo aynu dhulka ku wada joognay, oo aynu ku wada jiri jirnay. Maanta Magaalaynu isugu nimid, Xeerkii Miyigu innama dhiqi karo. Waxa loo baahanyahay in aynnu Xeer madaniya samaysanno oo sidaynu kii Miyiga u xurmayn jirnay u xurmaynno. Shacbiga sidaas fahma, ee Xeerkaa qaata, ee xurmeeya ayaa garsoore xaqqa iyo baadilka kala qeexa noqon kara.

 

Qof wal oo muwaadin Somaliland ihiba, xaq wuxuu u leeyahay—hada i dhegaysta—xaq wuxuu u leeyahay xorriyatal qawl iyo inuu ra’yigiisa baqe la’aan iyo xeebasho la’aan uu ku soo bandhigo oo ku sheego. Cid aan shacbiga ahayn oo xaq u leh…Xukuumad ha noqoto, Xisbi ha noqoto iyo qof ha noqoto’e…cid xaq u leh oo ku xukumi karta, qofna ra’yigiisu inuu wanaagsan yahay; qofna ra’yigiisu xun yahay ma jiri karto. Shacbiga—idinka, dadkiinan, ama halkan iga dhegaysanaya ama raadyawga iga dhegaysan doona—oo qudha ayaa xaq u leh inuu mid walba dhegaysto (ra’yi walba dhegaysto); oo dabeetona sidii hargaha loo kala fanadi jiray ra’yiga u kala fanadto oo kuu u arko inuu dan u yahay, oo dalkiisa lagu wadi karo ay ayidaan oo ay codkooda iyo ta’yiiddooda (taageeradooda) siiyaan.

 

Mas’uuliyad yar maaha taasi! Mas’uuliyad wayn-wayn-wayn-wayn-wayn weeyi!

Idinka weeyi waxa wax kala xukumayaa, idinka weeyi waxa inoo dooraya meeshaynu maraynno iyo halkaynu u kacaynno iyo dariiqa aynu raacaynno—idinkaa inoo kala dooraya. Markaa waa in la helo shacbigaas.

 

Dimuqraadiyaddii ma soconayso, ma jiri karto; mana meel mari karto, haddii aanu jirin shacbigaas feejigan, ee maskaxdiisa maalaya, ee kala xukumaya wixii xun iyo wixii san, waxaan meel mar ahayn iyo wixii meel mar ah ee lagu dhaqmi karo…shacbigaa haddii la waayo dimuqraadiyadi ma jiri karto.”

 

 

Qaabkiisii Hoggaamineed Ee Dhisidda Qarannimada:

“Gobonimadeenna Hayya!”

 

Madaxweynuhu isaga oo isbarbardhig ku samaynaya nidaamka kalitaliska ah iyo ka dimuqraadiga ah…isaga oo adeegsanayana erayga ‘Innaga’ oo doonaya inuu dadkiisa ku qanciyo inay jeclaadaan qarankooda oo ay u midoobaan cadawgooda; dawladoodana ay u arkaan tii ay garab iyo gaashaan u noqon lahaayeen, waxa uu yidhi:

 

“Walaalayaal waxaan doonayaa inaan wax idinka idhaahdo, arrin aan filayo inaad maanta tabaysaan, arrinkaas oo ah: maanta waxa halkan soo mari jiray ciidamo hubkoodii sita oo aad ka daawan jirteen; sacab badanna u tumi jirteen. Arrimada ciidamada suuq marintoodu caado uma aha caalamka intiisa badan. Waxa bilaabay oo ku dhaqma oo qudha, dalalkii shuyuuciga ahaan jiray, sida maamulkii Maxamed Siyaad Barre. Sababta loogu dhaqmi jiray waxay ahayd laba:

 

(1) In argagaxiso iyo baqe lagu sameeyo shacbiga loo madaxda yahay ee aan raaliga ka ahayn dadka u madaxda ah.

(2) In caalamka dibedda ee cunfiga lagula nool yahay loogu dhoolo tusto hubka la haysto iyo xoogga la leeyahay.

 

“Maanta inagu—haddaynu nahay Qarankan Somaliland—is argagixin maynno…is argagixis iyo baqe isku xukumi maynno…waxaynu isku xukumaynaa: kala raali ahaan, iyo isu maqnaan, iyo isu adeeg iyo walaalnimo iyo wanaag inaga dhexeeya ayaynu isku xukumaynaa.”

 

“Markaa uma baahnin in aynnu shacbigeena xoog soo dhex marino—suuqa soo marino—oo aynu u tilmaanno waxa haysan kara hadday dawladdooda ka hor yimaadaan. Waxaannu annagu ku dhisannahay…oo dawladdan Dimuqraadiga ah ee Somaliland ku dhisan tahay, inay iyadu shacbigeeda ka baqato, oo wuxuu doonayo yeesho, oo wuxuu ku raali noqonayo ku kacdo, oo ay noqoto tii ay iyagu garab iyo gaashaan u ahaan lahaayeen, ma aha tii argagixiso iyo baqe iyo car ila hadal lagu wadi lahaa.”

 

Markaa, arrin kalaa jirta iyaduna oo aan u baahnayn in aynnu suuqa soo marino ciidamadeenna. Waxay tahay taasi: ciidamadeennu waxay xoog iyo muruq iyo macdan iyo maacuun hayaan, maalinta la is hororo, ee la isugu yimaaddo Golaha Sharafka, ee la is dhafoor taabto…walaalayaal sacabkaa waxaan ka jecelahay in la i dhegaysto oo la fahmo waxa aan leeyahay. Ma nihin dadkii Siyaad Barre durbaanada u tumi jiray…maanta habkiisii ma haynno, waxaynu haynaa hab la isku afgarto, la is fahmo, la is wacdiyo. Kaasaa maanta qiimo leh…nin madax ah oo sacab loo tumaa qiimo uu leeyahay ma jirto…I dhegaysta markaa…Ilaahay ka yaaba, Ilaahay ka yaaba, Ilaahay ka yaaba oo i dhegaysta.

 

Waxaan idin leeyahay waxa weeyi wax qiimo leh oo aynu doonayno inaynu ku dhaqanno oo ku meel marno, oo ku gaadhno guul iyo badhaadhe iyo barwaaqo.

 

Sababta aynaan suuqyada u soo marinaynin maanta iyo wixii ka dambeeyaba ciidamadeennu waxay tahay: maalinta loo baahdo ciidamadeennu in ay ku dagaalamaan dalkeenna, oo ay cadaw ka difaacaan; maalintaasay Golaha Sharafka ee la isku horarayo ay keeni doonaan waxay xoog hayaan. In suuqa laga tirsado oo kow iyo laba la yidhaahdo ma rabno…ninkii ina damacsani ha ku soo talagalo wax aanu ogayn—xooggeenna iyo xadhiggeenna iyo xamaasaddeenna—isagoo maalintaas oo qudha uu inaga hor yimaaddo ku nixi doona, oo ka fajici doona, oo ka wareeri doona, oo ay ka lib heli doonaan.

 

Waxaan leeyahay ciidankeenana…waa kuwii faqash shalayto inaga eryay ee inaga khaarajiyay…waa kuwaynu maanta habeen iyo maalinba ku hurudno, ee gaadh inaga haya, ee ay nabaddeenu ku sugan tahay, ee ina ilaalinaaya had iyo jeer. Waxaan leeyahay, idinna ila tidhaahdaan: “Gobonimadeenna hayya, hayya-hayya, weligiin hayya.” Ninbaa odhan jiray: “Weligayba anaa haynaya,” waa mootan yahay maanta, laakiin kuwani weligood ma mootanaanayaan—maanta kuwa jooga inamadooda, inamadooda-inamadooda, weligoodba waa joogi doonaan. Waxaan leeyahay: “Gobonimadeenna hayya, hayya-hayya, weligiin hayya; abidkiinna ha hoogina. Aamiin…Aamiin…Aamiin.”

 

Qore: Maxamed C/kariim Axmed Shiil