Somaliland oo laga Xusay Maalinta Aids-ka Adduunka

0
101

 

Hargeysa(Dawan):-Sanad kasta kowda bisha December waxa adduunka laga xusaa maalinta xanuuna HIV/AIDS, taas oo bulshada lagu baraarujiyo qaabaka looga hor tagi karo ama la isaga ilaalin karo xanuunkaas saamaynta dunida ku yeeshay.

Sidoo kale waxa xuska maalinta lagaga xog-waramaa dhibaatooyinka ay bulshada la nool xanuunku kala kulmaan bulshada ay la nool yihiin iyo caqabadaha ay waajahaan bulshada dhexdeeda, waxaana lagu wacyigeliyaa inay si wanaagsan ula dhaqmaan, takoorkana ka daayaan.

Somaliland oo sannad kasta laga xuso maalinta kwda December oo ah maalin calami ah oo Qaramada Midoobay u astaysay in maalintaas laga xuso caalamka isla markaana la isku baraarujiyo halsita HIv/Aids,ayaa munaaisibad uu soo qaban qaabiyay komishanka xakamaynta iyo la dagaalanka HIV/AIDSka.ayay ka qayb galeen  madaxda komishanka Aidska,xubno ka mid ah golaha wasiirada iyo masuuliyiin kale.

 

Waxaa kale oo ka qayb galay munaasibadda masuuliyiinta safaaradda Taiwan ee Hargaysa, masuuliyiin ka socday Hay’adda caafimaadka adduunka ee (WHO) iyo marti sharaf aad u badan.

Agaasimaha Komishanka xakamaynta HIV/AIDS Ismaaciil Sheekh Muxumed oo ugu horrayn munaasibada ka hadlay ayaa ka sheekeeyay ka Komishan ahaan waxyaabihii ay qabteen iyo sida ay wacyigalinta uga sameeyaan xanuunka.

Agaasimaha ayaa sidoo kale faahaahiyay muhiimada ay daawadu u leedahay bukaanka la nool xanuunka, waxaanu sheegay in gudbintii xanuunku yaraatay intii ay bukaanku qaateen daawada, loona baahan yahay in bukaan kasta oo la nool xanuunku inuu daawada qaato.

Sidoo kale waxa  uu agaasimuhu madasha ka sheegay in aanu jirin daryeel guud oo loo sameeyo bulshada la nool xanuunka HIV/AIDS, sidoo kale aanay jirin cid si gaar ah u daryeesha bukaanadaasi oo xil iska saarta, balse waxa uu xusay in baadhitaanka xanuunka iyo daawayntoodu ay tahay mid harag la,aan ah.

waxaanu  ugu baaqay bulshada la nool xanuunka HIV/AIDS inay takoorka iska dayaan oo ay bulshada ka mid noqdaan, kuna dhiiradaan inay banaanka u soo baxaan oo ay dadka wax la qaybsadaan.

Dhankooda masuuliyiinta xuska maalinta HIV/AIDS ka soo qayb galay oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in kulamo noocan oo kale ah loo qabto bulshada la nool xanuunka laguna wacyigaliyo inay daawada qaataan oo ay bulshada wax la qabsadaan.

Kowda December waxa dhamaan dunida laga xusaa maalinta caalamiga ah ee HIV/AID, taasi oo looga dan leeyahay in bulshada lagu baraarujiyo halista iyo dhibaatada xanuunka, sidoo kale rajo loogu abuuro bukaanka la nool xanuunka HIV/IADS.