Dagaallada iyo Xasaradaha Dunida ka Taagan oo Kor u Qaaday Iibka Hubka Adduunka- Warbixin

0
127

Iibka shirkadaha waaweyn ee hubka dunida ayaa kor u kacay iyada oo ay kor u qaadeen dagaallada Ukraine iyo Gaza iyo xiisadaha Aasiya, sidaas oo kale waxa kor u kacay wax soo saarka shirkadaha hubka gaar ahaan kuwa ku dhow dhow Ruushka iyo Bariga Dhexe, sida lagu sheegay warbixin la daabacay Isniintii.
Iibinta hubka iyo adeegyada milatariga ee 100ka shirkadood ee ugu waawayn hubka ayaa gaadhay $632 bilyan sanadkii 2023, taas oo kor u kacday 4.2%, machadka caalamiga ah ee cilmi baadhista nabadda ee Stockholm (SIPRI) ayaa sidaas yidhi.
Sanadkii 2022 waxa jiray hoos u dhaca iibka iyo wax soo saarka, laakiin qaar badan oo iyaga ka mid ah waxay ku guuleysteen inay dib u bilaabaan wax soo saarkooda 2023, sida lagu sheegay warbixinta.
Taas waxay calaamad u yahay baahida jirta ee sare u kacday, 100-ka shirkadood ee ugu waaweyn, markii ugu horeysay, dhammaantood waxay si gaar ah u gaadheen wax ka badan hal bilyan oo doolar sannadkii hore.
“Waxaa si muuqata kor u kacay iibka hubka sanadka 2023, waxaana la filayaa in isbedelkan uu sii socdo sanadka 2024,” Lorenzo Scarazzato, oo ah cilmi-baadhe ka tirsan barnaamijka SIPRI oo la socda kharashaadka militariga iyo wax soo saarka hubka, ayaa ku yidhi hadal uu soo saaray.
Iibinta 100ka kooxood ee ugu sarreeya adduunka “wali si buuxda ugama tarjumin baaxadda baahida, shirkado badana waxay bilaabeen ololeyaal shaqaaleysiin ah, taas oo muujinaysa rajo ay mustaqbalka ka qabaan in dalabku sii socdo,” ayuu raaciyay.
Soo saarayaasha yaryar waxay iyaguna si hufan u dabooleen baahidan cusub ee ku xidhan dagaallada Gaza iyo Ukraine, xiisadaha sii kordhaya ee Bariga Aasiya iyo barnaamijyada dib-u-abaabulka ee gobollada kale, sida ay tilmaamayso SIPRI.
“Qaar badan oo kuwan ka mid ah waxay ku takhasusaan hal qayb ama waxay dhisaan nidaamyo u baahan sahay isku xidhan,” taas oo u oggolaanaysa inay si degdeg ah uga fal-celiyaan, Nan Tian, oo ah agaasimaha barnaamijka kharashka milatariga, ayaa u sheegay AFP.
Kooxaha Maraykanka oo hormuudka u ah wax-soo-saarka adduunka, waxa ay diiwaangeliyeen 2.5% korodhka iibkooda sanadkii 2023 oo wali ka dhigan kala badh dakhliga hubka adduunka, iyada oo 41 shirkadood oo Maraykan ah ay ka mid yihiin 100ka sare ee adduunka.
Yurub oo shirkadaha ku leh 27 kooxood, kaliya waxay dhejisay 0.2% korodhka iibka sannadkii hore, taas oo qarinaysa xaqiiqada dhabta ah. Kooxaha Yurub ee soo saara nidaamyada hubka adag ayaa wali ka shaqaynayay qandaraasyo ay sanadkii hore galeen, laakiin kama turjumayso qulqulka dalabyada la diiwaan galiyay tan iyo markaas.
Kooxaha kale, dhinaca kale, “waxay arkeen wax-soo-dejintooda oo si aad ah u kordhay, taas oo ay keentay baahida la xidhiidha dagaalka Ukraine”, gaar ahaan saanadda, madaafiicda iyo nidaamyada difaaca hawada iyo nidaamyada dhulka, sida ay daabacday SIPRI.
Tirooyinka Ruushka, in kasta oo aan dhammaystirnayn, waxay muujinayaan saamaynta dhaqaalaha inta badan ku wajahan dagaalka.
Iibinta labada kooxood ee Ruushka ah ee qiimeynta ayaa muujisay korofh 40% ah, inta badan waxaa sabab u ah korodhka 49% ee iibka shirkadda Rostec ee gobolka, sida laga soo xigtay SIPRI. Wax-soo-saareyaasha Bariga Dhexe waxaa aad ugu riyaaqeen dagaalka Ukraine iyo bilihii ugu horreeyay ee duullaanka Israa’iil ee Gaza Oktoobar 2023.
Aasiya, kobaca iibka afarta warshadood ee Kuuriyada Koonfureed, ayaa dakhligoodu kor u kacay 39% boqolkiiba celcelis ahaan, iyo shan shirkadood oo Japan ah oo arkay celcelis ahaan korodhka 35% boqolkiiba. Sagaalka shirkadood oo Shiinaha ah ayaa dhanka kale arkay dakhli kordhay 0.7% boqolkiiba iyada oo uu jiro hoos u dhac dhaqaale,” laakiin iibkooda ayaa wali wadartoodu dhan tahay $103 bilyan.