Fallaagada Suuriya oo dumiyey Taalada Asad Walaalkii ee ku Taalla Magaallada Xalab

0
125

Mucaaradka Suuriya ayaa la wareegay gacan ku haynta ku dhawaad ​​kala bar magaalada Xalab kadib weerar kedis ah oo ay ku qaadeen ciidamada dowladda oo ilaalo ka hayay, taasoo caqabadii ugu weyneyd ee soo wajahda Madaxweyne Bashaar Al- Asad muddo sanado ah. Tobaneeyo ka tirsan askarta Nidaamka ayaa lagu soo waramayaa in la dilay, taas oo ku qasabtay ciidanka in ay dib u gurtaan, halka gobolka Idlib ee deriska la ah hadda la sheegay in uu si buuxda gacanta ugu hayo mucaaradka.

Kooxaha kacdoonka wada ayaa dumiyay taallo loo dhisay walaalkii Bashaar Al-Asad oo ku dhintay shil baabuur sannadkii 1994-kii, taasoo dhabar jab weyn ku ah dowladda.

Iyada oo sawirku muujinayo isaga oo dhulka ku dhacaya, waxaa la maqlayaa fallaagada oo ku qeylinaysa oo ay ku dhawaaqayaan iyaga oo rasaas cirka u ridaya.

Iyaga oo arrintaas ka jawaabaya, Ruushka iyo dowladda Suuriya ayaa bilaabay duqeymo ay ku bartilmaameedsanayaan goobaha ay mucaaradka ku sugan yihiin, si ay dib ugu soo ceshadaan dhulka.

Weerarkan lama filaanka ahaa ee Sabtidii, ayaa gilgishay jiidaha hore ee dagaalka sokeeye ee Suuriya , kaasoo inta badan taagnaa tan iyo 2020-kii.

Weerarkan ayaa dib u soo celiyay dagaaladii ka dhacay agagaarka xuduudka Turkiga, taas oo keentay in ciidamada Suuriya ay ku dhawaaqaan inay qorsheynayaan weerar rogaal celis ah oo lagu soo celinayo awoodda dowladda.

Taliska ciidamada Suuriya ayaa qiray hor u socodka fallaagada, iyaga oo xaqiijiyay in muqaawamada ay qabsadeen qeybo badan oo ka mid ah Xalab—dhul ay si buuxda gacanta dowladda ugu jirtay tan iyo markii ciidamada Bashaar Al-Asad oo ay taageerayaan Ruushka iyo Iran ay ka saareen fallaagada siddeed sano ka hor.

Sawirro laga soo qaaday Xalab ayaa muujinayay dagaalyahannada fallaagada oo isugu soo baxay fagaaraha Saadallah al-Jabiri, waxaana dabadooda ka muuqday boodh uu ku sawiran yahay Asad.

“Aniga waxaan ahay wiilka Xalab, waxaana ka barakacay sideed sano ka hor, sanadkii 2016-kii, Alle ayaa mahad leh, waanu soo laabanay, waa dareen aan la soo koobi karin,” ayuu  yidhi Cali Jumbaa, oo ah dagaalyahan fallaago ah, sida ay muujinayeen muuqaalo taleefishin ah.

Taliska ciidamada Suuriya ayaa sheegay in maleeshiyaadku ay tiro badan iyo jihooyin kala duwan ka soo weerareen, taas oo keentay “in ciidamadeenna qalabka sida ay dib u soo baxaan”.

Dagaalkan ayaa dib u soo nooleynaya colaadda Suuriya oo muddo dheer soo jiitameysay iyadoo gobolka ballaadhan uu ka socdo dagaallo ka socda Qaza iyo Lubnaan, halkaas oo xabbad joojin u dhaxeysa Israa’iil iyo kooxda Xisbullah ee Lubnaan oo ay Iran taageerto uu ka dhaqan galay Arbacadii.

Laba ilo oo ka tirsan militariga Suuriya ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo kuwa Suuriya ay Sabtidii la beegsadeen kooxaha fallaagada ah ee ku sugan duleedka Xalab.

Isaga oo hadlayay Jimcihii, afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Moscow ay u aragto weerarka fallaagada mid xadgudub ku ah madax-bannaanida Suuriya. “Waxaan taageersannahay in maamulka Suuriya ay deegaanka ku soo celiyaan nidaamka iyo kala dambeynta dastuuriga ah sida ugu dhaqsaha badan,” ayuu  yidhi.

Labada ilo-wareed ee militariga Suuriya ayaa sheegay in Ruushka uu u ballan qaaday Dimishiq gargaar milatari oo dheeri ah oo billaabaya inuu yimaado 72 saacadood ee soo socda.

La wareegitaanka lama filaanka ah ayaa waji gabax weyn ku ah Bashaar Al-Asad oo ku guuleystay in uu dib u hanto guud ahaan maamulka magaalada 2016-kii, kadib markii uu dagaal ba’an ku qaaday ciidamadiisa oo taageero ka helayay dalalka Ruushka, Iiraan iyo xulafadooda.