Gudidda Ilaalilnta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Wakiillada oo Kormeeray Dawladda Hoose ee Hargaysa

0
73

Hargaysa (Dawan) Kulan Muhiim ah oo shalay subixii dhex maray Duqa Caasimadda Hargaysa Mudane Cabdikariim Axmed Mooge iyo Gudidda ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranka ee golaha wakiilada Somaliland

Duqa Caasimadda Hargaysa Mudane Cabdikariin Axmed Mooge oo ay weheliyaan qaar ka mid ah mudanayaasha golaha Deegaanka Hargaysa iyo Agaasimayaasha waaxaha Maamulka iyo Maaliyadda, Hawlaha guud, hantida ma guurtada ah iyo Madaxa xafiiska warshadaha ayaa shalay dawladda hoose ku soo dhaweeyey isla markaana kulan la qaatay Guddida ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranka golaha wakiillada oo bishii la soo dhaafay hawlo shaqo ka waday gudaha dawladda hoose ee Hargaysa.

Gudiddan ayaa kulan saacado badan qaatay kadib, waxa looga jawaabay dhammaan su,aalo muhiim ah oo khuseeya shaqada kala duwan ee ka socotay Caasimadda Hargaysa gaar ahaan shaqooyinka kor u qaadista kaabayaasha nololeed ee dadka sida Waddooyinka, Caafimaadka iyo waxbarashada waxaana guddida la siiyay jawaabo waafiya oo ay ku qancaan.

Dhinaca kale waxa ay kormeer ku mareen qaabka ay u shaqayso gudaha xarunta dhexe ee dawladda hoose ee Hargaysa oo dhawaan laga hirgaliyay dhisme dabaq ah oo casri ah oo loogu talogalay inay ku shaqeeyaan hawl wadeenada dawladda hoose ee Hargaysa.

Gudidda ilaalinta iyo dabagalka hantida Qaranka ee golaha wakiillada Somaliland oo gacanta ku haya xisaab xidhkii miisaaniyadda 2022-ka ayaa kormeer ku samaynayay mudooyinka mashaariicdii laga fuliyay miisaaniyadda Qaranka, sidoo kale waxa ay kormeerayeen Hay’adaha dawlada iyaga oo u kuurgalaya ilaalinta hantida Qaranka ee xiliga kala guurka xukuumadaha.