Kulan Dhex-maray Madaxweynaha la Doortay iyo Wefti Maraykan ah

0
24

 

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa la kulmay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayay Danjiraha dalka Mareykanka Danjire Richard H. Riley oo ay wehelinayaan taliyayaasha ciidamada AFRICOM.

Madaxweynaha la doortay wuxuu sheegay inuu weftiga si qoto dheer uga wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalweynaha Mareykan.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro wuxuu xusay in weftigu soo gaadhsiiyeen dhambaal hambalyo ah oo ay uga sideen dawladda Maraykanka.

Madaxweynaha la doortay wuxuu xusay in Doorashooyinkii Jamhuuriyadda Somaliland ka dhacay 13kii November, ay noqdeen doorashooyin indhaha caalamka si weyn ugu soo jeedisay JSL, isla markaana u soo jiidi doonaan fursado maalgashi oo caalami ah.