Taliyaha Booliska JSL oo Kormeeray Maxaabiista ku Xidhan Saldhigyada Hargeysa

0
75

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale), ayaa kormeer ku sameeyay qaar ka mid ah saldhigyada booliska ee caasimadda Hargeysa, si uu u hubiyo xaaladda guud ee shaqada ciidanka iyo maxaabiista ku jira saldhigyada.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, taliyaha ayaa warbixin ka dhagaystay maxaabiista, isagoo sidoo kale faray saraakiisha iyo danbi-baadhayaasha saldhigyada in ay bixiyaan adeeg hufan, kuwaas oo faahfaahin ka siiyay xaalada guud ee saldhiga iyo tirada maxaabiista ku xidhan iyo eedaha loo haysto, sidoo kale waxa uu xooga saaray in la hubiyo in maxaabiista loona muujiyo caddaalad iyo daryeel.

Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland, ayaa sidoo kale warbixin la xidhiiidha xaaladooda iyo xadhigooda ka dhageystay qaar ka mid ah Maxaabiista ku jirta saldhigyada uu booqday, iyaga oo taliyaha uga waramay qaabka ay ciidamada saldhigu ula macaamila’aan.

Taliye Daba-gale ayaa ciidanka ku booriyay inay sifiican ula dhaqmaan maxaabiista eedaha kala duwan ugu xidhan saldhigyada ee ay masuulka ka yihiin ciidamadu.

Gaba-gabadii kormeerkan taliyaha ciidanka booliska Somaliland sarreeya gaas Maxamed Aadan Saqadhi Daba-gale ayaa ku soo beegmaya xilli lagu jiro kala-guurka labada xukuumadood, madaxweynaha La-doortayna aanu si rasmiya ula wareegin xilkii loo igmaday, iyada oo ay waajib tahay in ciidanku amniga adkeeyaan sugaana nabadgelyada guud ee bulshada Somaliland.