Qore: Cabdiwahaab Daahir Xasan
Barbara (Dawan):-Taliyaha ciidanka xeebaha Somaliland ayaa tababar u soo xidhay unuga wareega ee Ciidanka ilaalada xeebaha, kuwaas oo mudooyinkii u dambeeyey tababar usacday.
Xidhitaankii tababarkan ayaa waxa ka soo qayb galay taliyaha ciidanka ilaadada xeebaha Somaliland iyo masuuliyiin ka socday hayada EU Cup isla markaana ka mid ah hayadaha tababarka siiya ciidanka ilaalada xeebaha. Somaliland.
Taliyaha Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland Arminal Axmed Hurre Haariye ayaa ugu horayn ka hadlay qalinjabinta unuga ka tirsan Ciidanka ilaalada xeebaha ee tabarka loo soo xidhayey.
Arminal Haariye ayaa sheegay in ciidankan tababarka loo soo xidhay yahay unug ku wareegi doona saldhigyada iyo dhamaan xeebaha Somaliland iyagoo fulindoona tababarada kaaso oo markii hore ay fulinjireen wadama shisheeye isla markaana ay qaateen aqoon ku filan oo dhinaca tababarada ciidanka illaalada xeebaha.
Masuuliyiinta ka socday Hayada EU cup oo Somaliland kala shaqaysa amniga xeebaha ayaa ka warbixiyey muddadii uu mashruucan tababarka ahi socday oo ahayd afar sano sidoo kalena waxa ay sheegeen in ay siiwadi doonaan tababarada ay siiyaan ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland,Waxa kale oo ay inaasi ku dareen ay siiwadi doonaan tababarada iyo qalabka ay adeegsadaan ciidanka ilaalada xeebuhu.