Xuska Maalinta Dadka baahiyaha gaar ah ayaa lagu qabtay Hargaysa

0
67

 

Hargeysa (Dawan) Xuska maalinta dadka baahiyaha gaar ah ayaa lagu qabtay magaaladda Hargeysa, waxa xuska maalintan ka qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, xildhibaan Khadar Cali Xakiin, guddoomiyaha ururka naafada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada baahiyaha gaarka ah qaba.

Intii munaasibadani socotay waxa lagu soo bandhigey doodo la xidhiidha dood-cilmiyeedyo, caqabadaha hortaagan bulshada baahiyaha gaarka qaba iyo sidii loo furdaaminlahaa.

Sakariye Axmed Muxumed agaasimaha ururka naafada Somaliland, waxa uu sheegay inay dadaal geliyeen sidii ay ula kulmilahaayeen xisbiyada iyo ururada, waxaanu xusay in ay kala hadleen sidii dadka baahiyaha gaarka ah qaba loogu darilahaa siyaasada, waxa uu intaas ku daray inay caqabado badani ka haystaan dugsiyada dalka, waxaanu hoosta ka xariiqay in aan loo sameynin marinkii ku haboona inay maraan dadka naafada ahi, waxaa uu intaas ku daray in halku dhiga sannadkan la isla qaatay uu yahay in bulshada baahiyaha gaarka qaba siyaasada laga qayb-geliyo.

Xildhibaan Khadar Cali Xakiin, ayaa boggaadiyay munaasibada lagu xusayo isla markaana lagu dhiirigelinayo dadka baahiyaha gaarka ah qaba, waxaanu soojeediyay in markasta la garab istaago oo laga shaqeeyo horumarkooda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland, ayaa boggaadiyay sida bulshada naafada ahi isugu duuban tahay waxaanu caddeeyay in ka xukuumad ahaan ay xil iska saareen sidii bulshadaasi loogu helilahaa xeer.